Wariyaha BBC-da ee magaalada Addis Ababa oo la kulantay shariif Xassan ayaa weydiisay waxa ay shaqadiisu noqoneyso maadaama uusan jirin baarlamaan uu hadda guddoomiye u yahay.
‘’Anniga shaqeydeydu waxaa ay tahay oo aan u xil saarnahay in aan dalka ka saaro ku-meel-gaarnimada, howshaa ayaa leygu og-yahay wixii hadda ka danbeeya ayuu yiri,’’ Shariif Xassan Shiikh Aadan.
Waxaa uu sheegay sababta keentay in baarlamaanka laga talaabsado tahay khilaafka xoogan ee soo kala dhaxgalay baarlamaanka Soomaaliya, sidaa daraadeed waxaa uu sheegay in haddii uusan hadda baarlamaan jirin, isaga mas’uuliyad kale saaran tahay oo ah in uu dhameeyo qorshaha tubta nabada inta ka harsan dowladda.
Wariyaha BBC-da ayaa weydiisay Shariif Xassan Su’aal shaqsi ah oo aheyd bal in uu isku arko isaga laftirkiisa QASWADE maadaama marar badan uu soo noq noqday magaciisa.
‘’Anniga Qaswade ma’ah, waxaan ka shaqeynayaa sidii ay dadka Soomaaliyeed xasilooni u heli lahaayeen ayuu ku gaabsaday Shariif Xassan Shiikh Aadan.
Shariif Xassan ayaa inta badan lagu xantaa in uu yahay shaqsi turubka siyaasada sidii uu doono u dheelo, oo haddii uu markaa danihiisa ka dhax waayo bilaaba fowdo iyo khas siyaasadeed sidii marar badan oo horeba dhacday.
garable.com
muxudin diini fiidow