Thursday, 24 May 2012

Booliska Dalka Holland oo gacanta mariyay teendhooyin ay ku jireen Qoxoonti Soomaliyeed


Booliska Dalka Holland oo gacanta mariyay teendhooyin ay ku jireen Qoxoonti Soomaliyeed

Booliiska dalka Holland ayaa waxaa la sheegay inay burburiyeen oo ay cagta mariyeen teendhooyin ay ku jireen qaxooti Soomaali iyo Iiraan ah oo banaanbax ama cabasho ka sameynaayey ka dib markii loo sheegay inay dib ugu noqdaan dalkooda, maadaama aanan wax sharci ah laga siineyn dalka Holland oo kiiskoodu uu xirmay.
Sida warku sheegayo ciidamada booliska ayaa buburiyey teendhooyinkii ay dadkaasi ku jireen ka dib mark ay diideen inay ka tagaan goobta ay cabashada ka dhigayeen, waxaana la xiray dad ka badan 117-qof oo isugu jira Soomaali iyo Iiraaniyiin.

Wasiirka qaxootiga ee dalka Holland Gerd Leers ayaa sheegay inaysan qaxootigaas wax xaq ah u lahayn in la dejiyo ama la siiyo sharci dalka Holland ah maadaama uu kiiskoodu soo xirmay, wuxuuna intaasi ku daray inay tixgelin siinayaan cabashada qaxootiga reer Ciraaq oo aqbalay inay goobta ka tagaaa intii aan la weerarin ka hor.
Dowladda Holland ayaa horay u sheegtay in qaxootiga Soomaalida ah ay dalkooda dib ugu celinayso, gaar ahaan kuwa aan heysan sharciga dal ku jooga ah, iyadoo wixii markaasi ka dambeeyay ay soo baxeen warar sheegaya inuu heshiis qarsoodi ah uu dhexmaray dowladda KMG iyo dowladda Holland kaas oo ku saabsan in dib loo soo celiyo qaxootiga Soomaalida ah, inkastoo markii dambe ay dowladda KMG iyo dowladda Holland-ba ay warkaasi beeniyeen, sheegeenna inaan dib loo soo celin doonin qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Holland
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment