Thursday, 24 May 2012

Nin cadaan ah oo xalay lagu dilay gudaha suuqa weyn ee Bakaara iyo warrar kala duwan oo ka soo baxaya

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in xalay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha lagu toogtay nin cadaan ah oo la sheegay inuu u dhashay dalka Turkiga, kaas oo lagala soo baxay Hotel lagu magacaabo Fardow oo uu deganaa.
Sida warku sheegayo dilka Ninka cadaanka ah ee u dhashay dalka Turkiga ayaa waxaa dilkiisa fuliyey kooxo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaas oo markii ay dileen ka dibna ka qaatay lacag doolar ah oo aad u farabadneyd, inkastoo aan la sheegin cadada lacagtaasi inta ay la’egtahay.
Warar kale ayaa waxay sheegayaa in ninka aan Hotelka lagala soo bixin balse uu fadhiyey jardiin hotelka hoostiisa ku yaalay, halka wararka kalena ay sheegayaan in ninka uu ku sii socday Masaajid ku yaala Hotelka ka soo horjeedkiisa, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka ninkan u dhashay dalka Turkiga iyo cidda dishay toona, mana jirto illaa iyo hadda cid ka hadashay dilkiisa.
Waa markii ugu horeysay oo nin ajnabi ah si bareer ah loogu toogto gudaha suuqaweyn ee Bakaaraha, waxaana jiray dilal loo geysaney dad Soomaali ah oo u shaqeynayey dowladda KMG iyo dad kale oo rayid ahaa, kuwaas oo siyaabo kala duwan loo fuliyey dilalkooda, iyadoo qaarkoodna ay sheegteen inay ka dambeeyeen Xarakada Al-shabaab
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment