Monday, 14 May 2012

Faroole oo amar deg deg ah ku siiyay in ay shirka ka baxaan Odayaasha ka qeyb galaya Shirka Dastuur.

Warar aanu ka helnay ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka beelaha Puntland ee jooga magaalada Muqdisho ay soo gaartay fariin uu u soo diray madaxweynaha maamulka Puntland oo ah iney deg deg uga baxaan shirka lagu soo soo xulayo ergooyinka ansixinaya dastuurka cusub ee Somalia ee waxgaradka beelaha Soomaalida uga socda magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka Puntand ee jooga magaalada Muqdisho oo magaciisa diiday in la soo xigto ayaa qaranka.net u sheegay in fariintaas ay jirto, isla markaana sidoo kale madaxwweyne Faroole uu soo amray in ay deg deg ugu soo laabtaan magaalada Garoowe.

Odayaasha dhaqanka Puntand ee jooga magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in markii uu warkaas soo gaaray uu ka dhacay jahwareer xoog leh oo sababay iney kala qeybsamaan, waxaana qaarkood ay sheegeen iney hadalka Faroole u hogaansamayaan dibna ugu laabanayaan magaalada Garowe, halka qaar kalena ay sheegeen in Faroole warkiisa aysan ku jirin ayna shirka ku metelaan magaca beelahooda sidaa awgeedna aysan shirka ka baxeynin.

Raisul wasaraha Somalia ayaa maanta si deg deg ah booqday goobta uu shirku uga socdo odayaasha dhaqanka ka dib markii uu ka war helay wararka sheegaya in Faroole uu amar ku siiyey odayaasha Puntland iney shirka isaga baxaan, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu kulan gaar ah la qaatay odayaasha Puntland, isagoo ka codsaday ineysan ka bixin shirka haddii taas ay dhacdana uu fashil deg deg ah imaan doono, wuxuuna u sheegay in ay socdaan wadahadalo lagu xalinayo diidmada Faroole uu kala hor yimid dastuurka ayna sii wataan howlaha ay ku soo xulayaan ergooyinka ansixinaya dastuurka lamase oga in odayaashu ay arintaas ogolaadeen iyo in kale.

Dhinaca kale siyaasiyiinta beelaha Puntland ugu jira dowlada KMG Somalia sida wasiirada, saraakiisha iyo xildhibaanada ayaa kulan gaar ah ku leh Hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho siyaasiga Saciid Qoorsheel oo ah siyaasi ka soo jeeda Puntland, kana mid masuuliyiinta xafiiska raisul wasaaraha Somalia, waxaana kulankaas looga hadlayaa sida laga yeelayo diidmada Faroole uu kala hor yimid dastuurka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in kulankaas uu ka dhashay buuq ka dib markii qaar ka mid ah siyaasiynta ka qeyb gashay ay si cad u sheegeen iney taageersan yihiin hadalka Faroole.

Madaxweyaha maamulka Puntland ayaa dhowaan qoraal uu kaga soo horjeedo dastuurka u kala diray wakiilada beesha caalamka u qaabilsan Somalia, wuxuuna ku sheegay qoraalkiisa in dastuurka uusan u cuntameynin maamulkiisa una qalmin in soomaaliya lagu maamulo, uuna si weyn uga soo horjeedo qaabka wax loo wado iyo qodobo ka mid ah dastuurka oo uu xusay iney is burinayaan.

Raisul wasaaraha Somalia ayaan wax weyn ka soo qaadin hadalka madaweyne Faroole ee kaga soo horjeestay dastuurka, isagoo ku tilmaamay inuu yahay feker u gaar ah Faroole, kana mid ah aragtiyada kala duwan ee laga bixinayo dastuurka cusub hase ahaatee Faroole ayaa isku dayaya inuu carqaladeeyo ansixinta dastuurka ka dib markii uu odayaasha dhaqanka Puntland ku amray iney ka baxaan shirka kuna laabtaan Garowe

garable.com















































Meles oo rajo ka muujiyey shidaalka dooxada Ogaden


Addis Ababa, 13-May-2012 - Ra'isulwasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa shaqsiyan marki ugu horreysay muujiyey in Itoobiya ay rajo weyn ka qabto in bannaanka la keeno shidaalka dooxada Ogaden ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ra'isulwasaare Meles ayaa hadalkan ka yiri shir-doceed looga hadlayey maalgashiga Itoobiya, kaasoo garab socday Shirka Dhaqaalaha Aduunka ee Afrika oo isbuucan lagu qabtay magaalada Addis Ababa.

Shir-doceedkan oo ay isku soo dubaridday shirkadda South West Energy (HK) Ltd oo laga leeyahay dalka Itoobiya, haatana howllo shidaal baadhis ah ka wadda dooxada Ogaden ee deegaanka Soomaalida, waxaa goobjoog ka ahaa hogaamiyayaasha shirkado dhan 400, kuwaasoo isugu jiray kuwo Itoobiya laga leeyahay iyo kuwo caalami ah.

Meles ayaa isagoo farta ku fiiqayey Guddoomiyaha shirkadda South West Energy (HK) Ltd, Tewodros Ashenafi, oo shirka fadhiyey, wuxuu yiri, "Tewodros ayaa noqon doona sidaha warka fiican," taasoo micnaheedu tahay in shirkadda South West Energy (HK) Ltd ay natiijooyin wacan ka gaadhay howllaha baadhista shidaal ee ay ka waddo deegaanka Soomaalida.

Tewodros oo maalmahan dadaal xooggan ugu jira sidi uu shirkaddiisa South West Energy (HK) Ltd ugu heli lahaa shirkad caalami ah oo ay kula shirkowdo aagagga ay shidaalka ka baadheyso ee deegaanka Soomaalida, wuxuu shir-doceedkan ka sheegay in natiijooyinka baadhitaannadi ay sameeyeen ay ahaayeen kuwo "aad u dhiirigaliyey."

Tewodros ayaa ka soo qeybgalayaashi u sheegay in meeshi lagu gaadho sanadka soo socdo ay suurogal tahay in la soo saaro shidaalka dooxadan.

Dowladda Itoobiya ayaa masuuliyiinti shirkadaha ka soo qeybgalay shir-doceedkan u soo bandhigtay qarashka loo baahan yahay ee ku bixi doonta dhismaha kaabayaasha lagama'maarmaanka u ah soo saaridda shidaalkan, taasoo lagu qiyasay $3 bilyan oo dollarka Mareykanka ah.

Tewodros ayey isbuucan u aheyd mid aad u fiican, kadib markii uu ku guuleystay in Shirka Dhaqaalaha Aduunka ee Afrika lagu qabto Addis Ababa, taasoo uu dadaal iyo wakhti galiyey sidi ay ugu suurogali laheyd.

Dadaalka sii xooggeysanaya ee ay Itoobiya ugu jirto soo saaridda shidaalka deegaanka Soomaalida ayaa wuxuu ku soo aadayaa xilli ay socoto waan-waan hoose oo aan la shaacin oo hashiis lagaga dhex wado dowladda Itoobiya iyo ururka ONLF, taasoo uu ka shaqeynayo dal saddexaad.
ONLF oo ka dhaqdhaqaaqda deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxey sabab u aheyd qasaarooyin dhan kasta ah oo soo gaadhay beesha ay sidato magaceeda, iyadoo qasaarooyinkan ay saammeeyeen xitaa qeybaha kale ee beeshan ee deegaannada ku leh dalalka dariska ah. Magaca ONLF ayaa noqday aalad bilaash ah oo ay qabaa'illada kale u adeegsadaan beeshan si ay taageerro siyaasadeed iyo mid military uga helaan dowladda Itoobiy


       garable.com                         

Nin loo diyaariyey xabaal oo ay nafti ku soo noqotay

Nin Masri ah oo loo qaatay inuu dhintay, loona qabeeyey si loogu diyaariyo xabaasha, ayey nafta ku soo noqotay galabti ay aheyd Jimcihi tagay intaan iilka qabriga la dhigin.

Hamdi Hafez al-Hubi, 28-jir, waxaa haleelay wadna xanuun xilli uu ka shaqeynayey muqaayad ku taal magaalada Naga al-Simman ee koonfurta gobolka Luxor, dalka Masar.

Hamdi oo loola cararay isbitaalka Luxor International Hospital, waxaa baaris kadib lagu dhawaaqay inuu geeriyooday, waxaanna ehelkiis loo sheegay inay maydka qaataan si ay u xabaalaan.

Qabeeys kadib, intii maydka loo xirayey karfanta, waxaa jirkiisa taabatay dhaqtarad la doonayey inay saxiixdo warqadda cadeynta in Hamdi al-Hubi uu dhintay. Dhaqtaraddi ayaa dareentay in jirka Hamdi uu wali diirimaad leeyahay, markaas ayey dhageysatay wadnihiisa, waxeyna ogaatay in wadnihiisa uu wax yar dhaqdhaqaaqayo.

Howl yar kadib, dhaqtaraddi waxey toosisay Hamdi, kaasoo in la xabaallo ay uga harsaneyd wakhti yar oo kooban.

Hamdi oo ay hooyadi isu diyaarisay inay maydka macasalaameyso ayaa suuxday kadib markii uu indho-kala-qaad iyo hadal isku daray wiilkeeda.

Dadki maydka sii qaadi lahaa ayaa farxad la qayliyey marki ay maqleen in Hamdi ay nafti ku soo noqotay, waxeyna ku dhawaaqayeen, "Waxaan marqaati ka nahay inuu Illaah jirin Alle mooyee."




garable.com

Talyaaniga oo dalbaday in lagu gacan siiyo ka hortagga Tahriibayaasha Afrikanta ah

Dowlada Talyaaniga ayaa dalbatay in lagu gacan siiyo xakameynta Tahriibayaasha Afrikanka ah ee gaaraya waddankaasi.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Talyaaniga Gulio Terzi oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Roma ee Xarunta dalka Talyaaniga ayaa waxa uu ugu baaqay dowladaha Midowga Yurub in dowladdiisa ay gacan ku siiyaan xakameynta Muhaajiriinta Afrikanta ah ee kusoo qul qulaya dalkaasi kuwaasi oo ay qeyb ka tahay Soomaaliya.
Tersi ayaa waxa uu sheegay in bishii Xeebaha dalkaasi ay soo gaaraan dad ku dhow boqol ruux oo Tahriibayaal Afrikan ah oo ay ugu buadan yihiin Soomaali iyo Eritrean kuwaasi oo mararka qaar dhibaatooyin kala kulma inay ay ku guda jiraan safarkooda.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Tahriibayaashaasi ay ku jiraan Haween iyo Caruur, isagoo tilmaamay inay jiraan meel ay u diyaariyeen dadkaasi Tahriibayaasha ah sida uu hadalka u dhigay, si looga hortago qul qulka Muhaajiriintaasi dowladdiisa ay u baahan tahay in gacan laga siiyo arrimahaasi.
Xeebaha Talyaaniga iyo Liibiya ayaa waxa isaga kala goosha Tahriibayaal Soomaali ah iyo kuwa kale oo kasoo jeeda Afrika kuwaasi oo u Tahriiba dalka Talyaaniga si ay u gaaraan dalalka kale ee Yurub.



garable.com

Saldhigyo ciidamada Kenya iyon kuwa DKMG Somalia ku leeyihiin degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose oo xalay la weeraray

Dagaalo culus ayaa xalay waxay ka dhaceen duleedka degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose kuwaasoo dhexmaray ciidamada dowlada KMG Somalia iyo kuwa Kenya oo hal dhinac ah iyo xoogaga Al-shabaab ee ka soo horjeeda iyadoo wararkuna ay sheegayaan in dagaaladaas ay sababeen khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dagalkaas uu qarxay xalay fiidimadii markii xoogaga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo milateri oo ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG Somalia ku leeyihiin degmada duleedka Badhaadhe ee gobolka J/hoose.
Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid aad u culus oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala gedisan sida rasaas kala duwan iyo madaafiic xoogan oo ku dhacayey meelo ka baxsan goobta uu dagaalku ka socday, waxaana madaafiicdaas qaarkood ay ku dhaceen gudaha degmada Badhaadhe.

Ku dhowaad 10 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhimatay dagaalkaas halka in ka badana way ku dhaawacmeen sida wararku ay sheegayaan, waxaana goobtii laga dagaalamay jooga ciidamada huwanta iyadoo xoogagii Al-shabaabna ay halkaas dib uga laabteen, markii ay weerarkaas fuliyeen, waxaana sidoo kale dagaalo goos goos ah ay isla xalay labada dhinac ku dhexmareen duleedka degaanka Qooqaani.
Ma jiraan warar ku saabsan dagaaladaas oo ka soo baxay saraakiisha labada dhinac ee xalay isku fara saaray qeybo ka mid ah gobolada jubooyinka, hase ahaatee waxaa saaka degan goobihii xalay lagu dagaalamay inkastoo ay jiraan xiisado iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo goobahaas, waxaana dagaaladii xalay ay qeyb ka ahaayeen kuwo joogto ah oo labada dhinac mudooyinkii ugu dambeeyey ku dhexmarayey degaano ka mid ah gobolada jubooyinka iyo Gedo.


garable.com

Kooxo bastoolado ku hubeysan oo labo ruux ku dilay Suuq ku yaala bartamaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay

Labo ruux ayaa xalay maqribnimadii lagu toogtay suuq ku yaala bartamaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ka dib markii ay rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday goob ay labadas ruux joogeen.
Goob joogayaal ayaa sheegay in labada ruux ee la dilay ay kala ahaayeen haweeney lagu magacaabi jiray Nuurto oo Shaah ku iibin jirtay halkaas iyo nin dalaal ahaa oo xiligaas shaah ka cabayey goobta uu weerarku ka dhacay.
“Kooxaha wax dilay haweeneyda shaaha ku iibinaysay goobtaas ayey rasaas ku fureen, goobtaas ayeyna ku dhimatay, ninka dalaalka ahna isagoo dhaawac ah ayaa meesha laga qaaday ka dib markii ay gaartay rasaastii haweeneyda lagu furay, isbitaalka Baydhabo ayuuna ku af baxay markii dambe” sidaa waxaa yiri goob jooge ka dhowaa goobta dilalkaas ay ka dhaceen oo magaciisa diiday in la sheego.

Daqiiqado ka dib waxaa goobtaas yimid ciidamo ka tirsan dowlada KMG Somalia ee halkaas gacanta ku hayey bilihii u dambeeyey, waxayna ka sameeyen baaritaano hase ahaatee laguma guuleysan in la soo qabto kooxaha dilalkaas geystay oo goobta ka baxsaday.
Lama oga ilaa hadda sababta loo dilay haweeneydaas iyo ninka la joogay iyo cida ka dambeysay, hase ahaatee goob joogayasha ayaa sheegaya in haweeneydaas ay shaah ka iibin jirtay qaar ka mid ah ciidamada Dowlada KMG Somalia ee gacanta ku haya magaalada Baydhabo.
Dilka labadan ruux ayaa qeyb ka ah dilal is daba joog ah oo ilaa bishii Febraayo ee sanadkan ka dhacayey magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, kuwaasoo intooda badan loo geystay dad shacab ah oo ka madax banaan dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya, waxaana masuuliyiinta dowlada ee gobolkaas ay intooda badan ku eedeeyaan dilalkaas xoogaga Al-shabaab.



garable.com

Roobab ka da,ay ceelgaras

ceelgaras 14 may 2012 wararka kaimaanayo magaalada ceelgaras ee gobalka galgaduud ee bartamaha somaliya waxee sheegayaan ee saacadihi uga dabeeyay ee magaaladaas oo kada,ay roobab mahiigaan ah oo saameen ku yeeshay dad ku noolaay qaar kamid ah shacabka ku dhaqan oo telphoneka ugu hadlaayay websadeka, ceelgarasone ayaa sheegay roobabkaas wataan daadad islamarkaana oo yaraay isku socodka gaadiidka dadka goobahii ganacsiga iyo corantada ee wali codsadeen inloo soo gurmad  roobabka oo daadad badan wato ayaa dhigay biyo badan waxoo kale oo kada ay garable, ceel lahelay iyo dooxo duduble roobabkaan ayaa maalmihee dabe kada aaayay gobalaga soomaaliya oo dhan dadka iyo duuyada ku diirsadeen xili sanadeedki dabe dadka abaaro ladaan dhacaayay abaaro basan oo ku dhuftay dalka oo dhan koofurta iyo bartamaha soomaaliya


garable .com  muhyadinfarah@hotmail.co.uk

2 views Dowlada oo Xireyso Suuqa Cabdul Shideeye ee Magaalada Muqdisho

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay in xukuumadda KMG Soomaaliya ay xirayso Suuqyada Cabdalla Shideeye ee ku yaala magaalada Muqdisho. C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay in Suuqyada Cabdalla Shideeye lagu sameeyo Dukumiintiyo been abuur ah isaga oo sheegay in Dukumiintiyo dowladda ay leedahay lagu sameeyo Suuqyadaasi sida uu sheegay. Wuxuu sheegay in guddoomiyaasha Degmooyinka ay ku yaalaan Suuqyadaasi Cabdalla Shideeye looga baahan yahay inay warbixino fiican ka keenaan Suuqyadaasi isaga oo sheegay in aan taas loo dul qaadan karin. Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in maalmaha soo aadan loo baahan yahay in isbedel uu ka dhaco Muqdisho kaasi oo ku salaysan dhanka ammaanka. C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay Booliiska iyo nabad sugidda looga baahan yahay inay sameeyaan isbedel dhanka ammaanka ah isagoo sheegay in guddoomiyeyaasha degmooyinkana laga doonayo nadaafadda degmooyinka ay maamulaan iyo soo celinta bilicdooda. Hadalkan ayuu Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya waxaa uu ka jeediyay kulan balaaran oo looga hadlyay ammaanka oo ka dhacay Muqdisho islamarkaana ay isugu yimaadeen guddoomiyeyaasha 16-ka Degmo Gobolka Banaadir iyo sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Booliiska iyo Nabad sugidda.

garable.com

Meles Zenawi oo shaaciye Goorta Dalkiisa laga soo saarayo Shidaalka

Ra’iisul Wasaare Meles Zenawi ayaa markii ugu horeysay meel fagaaro ah ka sheegay in shidaal laga soo saari doono dalkiisa, kaddib markii la ogaaday in dalka Ethiopia uu ka buuxo shidaal. Hadalkan ayuu Ra’iisul wasaare Meles ka sheegay shirkii 22-aad ee Madasha Dhaqaalaha adduunka ku yeesheen dhawaantan Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Ethiopia. Meles ayaa u sheegay xubnaha ka soo qeyb galay shirkaas kuwaas oo ka koobnaa 200 ururo ganacsiyo caalami iyo 200 oo kale ganacsato gudaha ka socday, kuwaas oo ballan qaaday in ay maalgashi ku sameeyn doonaan Shidaalka la sheegay in uu ku jiro dalka Ethiopia. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay fursadaas in ay ka faa’ideestaan Shirkadaha shisheeye ee ka mid ka ah madasha dhaqaalaha Adduunka. Wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay dalkiisa in uu ka mid noqon doono dalalka laga dhoofiyo shidaalka dunidda Mustaqbalka dhow. Kenya, Koonfurta Sudan iyo Ethiopia ayaa hadda iskaashi ballaaran sameesanaya oo ku aadan sidii Dekad ka wada dhexeeysa ay uga hirgalin lahaayeen xeebta Mombasa ee dalka Kenya oo hadda dhismaheeda uu bilowda


garable.com