Monday, 14 May 2012

Faroole oo amar deg deg ah ku siiyay in ay shirka ka baxaan Odayaasha ka qeyb galaya Shirka Dastuur.

Warar aanu ka helnay ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka beelaha Puntland ee jooga magaalada Muqdisho ay soo gaartay fariin uu u soo diray madaxweynaha maamulka Puntland oo ah iney deg deg uga baxaan shirka lagu soo soo xulayo ergooyinka ansixinaya dastuurka cusub ee Somalia ee waxgaradka beelaha Soomaalida uga socda magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka Puntand ee jooga magaalada Muqdisho oo magaciisa diiday in la soo xigto ayaa qaranka.net u sheegay in fariintaas ay jirto, isla markaana sidoo kale madaxwweyne Faroole uu soo amray in ay deg deg ugu soo laabtaan magaalada Garoowe.

Odayaasha dhaqanka Puntand ee jooga magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in markii uu warkaas soo gaaray uu ka dhacay jahwareer xoog leh oo sababay iney kala qeybsamaan, waxaana qaarkood ay sheegeen iney hadalka Faroole u hogaansamayaan dibna ugu laabanayaan magaalada Garowe, halka qaar kalena ay sheegeen in Faroole warkiisa aysan ku jirin ayna shirka ku metelaan magaca beelahooda sidaa awgeedna aysan shirka ka baxeynin.

Raisul wasaraha Somalia ayaa maanta si deg deg ah booqday goobta uu shirku uga socdo odayaasha dhaqanka ka dib markii uu ka war helay wararka sheegaya in Faroole uu amar ku siiyey odayaasha Puntland iney shirka isaga baxaan, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu kulan gaar ah la qaatay odayaasha Puntland, isagoo ka codsaday ineysan ka bixin shirka haddii taas ay dhacdana uu fashil deg deg ah imaan doono, wuxuuna u sheegay in ay socdaan wadahadalo lagu xalinayo diidmada Faroole uu kala hor yimid dastuurka ayna sii wataan howlaha ay ku soo xulayaan ergooyinka ansixinaya dastuurka lamase oga in odayaashu ay arintaas ogolaadeen iyo in kale.

Dhinaca kale siyaasiyiinta beelaha Puntland ugu jira dowlada KMG Somalia sida wasiirada, saraakiisha iyo xildhibaanada ayaa kulan gaar ah ku leh Hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho siyaasiga Saciid Qoorsheel oo ah siyaasi ka soo jeeda Puntland, kana mid masuuliyiinta xafiiska raisul wasaaraha Somalia, waxaana kulankaas looga hadlayaa sida laga yeelayo diidmada Faroole uu kala hor yimid dastuurka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in kulankaas uu ka dhashay buuq ka dib markii qaar ka mid ah siyaasiynta ka qeyb gashay ay si cad u sheegeen iney taageersan yihiin hadalka Faroole.

Madaxweyaha maamulka Puntland ayaa dhowaan qoraal uu kaga soo horjeedo dastuurka u kala diray wakiilada beesha caalamka u qaabilsan Somalia, wuxuuna ku sheegay qoraalkiisa in dastuurka uusan u cuntameynin maamulkiisa una qalmin in soomaaliya lagu maamulo, uuna si weyn uga soo horjeedo qaabka wax loo wado iyo qodobo ka mid ah dastuurka oo uu xusay iney is burinayaan.

Raisul wasaaraha Somalia ayaan wax weyn ka soo qaadin hadalka madaweyne Faroole ee kaga soo horjeestay dastuurka, isagoo ku tilmaamay inuu yahay feker u gaar ah Faroole, kana mid ah aragtiyada kala duwan ee laga bixinayo dastuurka cusub hase ahaatee Faroole ayaa isku dayaya inuu carqaladeeyo ansixinta dastuurka ka dib markii uu odayaasha dhaqanka Puntland ku amray iney ka baxaan shirka kuna laabtaan Garowe

garable.com















































No comments:

Post a Comment