Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay in xukuumadda KMG Soomaaliya ay xirayso Suuqyada Cabdalla Shideeye ee ku yaala magaalada Muqdisho. C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay in Suuqyada Cabdalla Shideeye lagu sameeyo Dukumiintiyo been abuur ah isaga oo sheegay in Dukumiintiyo dowladda ay leedahay lagu sameeyo Suuqyadaasi sida uu sheegay. Wuxuu sheegay in guddoomiyaasha Degmooyinka ay ku yaalaan Suuqyadaasi Cabdalla Shideeye looga baahan yahay inay warbixino fiican ka keenaan Suuqyadaasi isaga oo sheegay in aan taas loo dul qaadan karin. Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in maalmaha soo aadan loo baahan yahay in isbedel uu ka dhaco Muqdisho kaasi oo ku salaysan dhanka ammaanka. C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay Booliiska iyo nabad sugidda looga baahan yahay inay sameeyaan isbedel dhanka ammaanka ah isagoo sheegay in guddoomiyeyaasha degmooyinkana laga doonayo nadaafadda degmooyinka ay maamulaan iyo soo celinta bilicdooda. Hadalkan ayuu Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya waxaa uu ka jeediyay kulan balaaran oo looga hadlyay ammaanka oo ka dhacay Muqdisho islamarkaana ay isugu yimaadeen guddoomiyeyaasha 16-ka Degmo Gobolka Banaadir iyo sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Booliiska iyo Nabad sugidda.
garable.com
garable.com
No comments:
Post a Comment