Dowlada Talyaaniga ayaa dalbatay in lagu gacan siiyo xakameynta Tahriibayaasha Afrikanka ah ee gaaraya waddankaasi.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Talyaaniga Gulio Terzi oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Roma ee Xarunta dalka Talyaaniga ayaa waxa uu ugu baaqay dowladaha Midowga Yurub in dowladdiisa ay gacan ku siiyaan xakameynta Muhaajiriinta Afrikanta ah ee kusoo qul qulaya dalkaasi kuwaasi oo ay qeyb ka tahay Soomaaliya.
Tersi ayaa waxa uu sheegay in bishii Xeebaha dalkaasi ay soo gaaraan dad ku dhow boqol ruux oo Tahriibayaal Afrikan ah oo ay ugu buadan yihiin Soomaali iyo Eritrean kuwaasi oo mararka qaar dhibaatooyin kala kulma inay ay ku guda jiraan safarkooda.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Tahriibayaashaasi ay ku jiraan Haween iyo Caruur, isagoo tilmaamay inay jiraan meel ay u diyaariyeen dadkaasi Tahriibayaasha ah sida uu hadalka u dhigay, si looga hortago qul qulka Muhaajiriintaasi dowladdiisa ay u baahan tahay in gacan laga siiyo arrimahaasi.
Xeebaha Talyaaniga iyo Liibiya ayaa waxa isaga kala goosha Tahriibayaal Soomaali ah iyo kuwa kale oo kasoo jeeda Afrika kuwaasi oo u Tahriiba dalka Talyaaniga si ay u gaaraan dalalka kale ee Yurub.
garable.com
No comments:
Post a Comment