Dagaalo culus ayaa xalay waxay ka dhaceen duleedka degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose kuwaasoo dhexmaray ciidamada dowlada KMG Somalia iyo kuwa Kenya oo hal dhinac ah iyo xoogaga Al-shabaab ee ka soo horjeeda iyadoo wararkuna ay sheegayaan in dagaaladaas ay sababeen khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dagalkaas uu qarxay xalay fiidimadii markii xoogaga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo milateri oo ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG Somalia ku leeyihiin degmada duleedka Badhaadhe ee gobolka J/hoose.
Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid aad u culus oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala gedisan sida rasaas kala duwan iyo madaafiic xoogan oo ku dhacayey meelo ka baxsan goobta uu dagaalku ka socday, waxaana madaafiicdaas qaarkood ay ku dhaceen gudaha degmada Badhaadhe.
Ku dhowaad 10 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhimatay dagaalkaas halka in ka badana way ku dhaawacmeen sida wararku ay sheegayaan, waxaana goobtii laga dagaalamay jooga ciidamada huwanta iyadoo xoogagii Al-shabaabna ay halkaas dib uga laabteen, markii ay weerarkaas fuliyeen, waxaana sidoo kale dagaalo goos goos ah ay isla xalay labada dhinac ku dhexmareen duleedka degaanka Qooqaani.
Ma jiraan warar ku saabsan dagaaladaas oo ka soo baxay saraakiisha labada dhinac ee xalay isku fara saaray qeybo ka mid ah gobolada jubooyinka, hase ahaatee waxaa saaka degan goobihii xalay lagu dagaalamay inkastoo ay jiraan xiisado iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo goobahaas, waxaana dagaaladii xalay ay qeyb ka ahaayeen kuwo joogto ah oo labada dhinac mudooyinkii ugu dambeeyey ku dhexmarayey degaano ka mid ah gobolada jubooyinka iyo Gedo.
garable.com

No comments:
Post a Comment