Monday, 14 May 2012

Kooxo bastoolado ku hubeysan oo labo ruux ku dilay Suuq ku yaala bartamaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay

Labo ruux ayaa xalay maqribnimadii lagu toogtay suuq ku yaala bartamaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ka dib markii ay rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday goob ay labadas ruux joogeen.
Goob joogayaal ayaa sheegay in labada ruux ee la dilay ay kala ahaayeen haweeney lagu magacaabi jiray Nuurto oo Shaah ku iibin jirtay halkaas iyo nin dalaal ahaa oo xiligaas shaah ka cabayey goobta uu weerarku ka dhacay.
“Kooxaha wax dilay haweeneyda shaaha ku iibinaysay goobtaas ayey rasaas ku fureen, goobtaas ayeyna ku dhimatay, ninka dalaalka ahna isagoo dhaawac ah ayaa meesha laga qaaday ka dib markii ay gaartay rasaastii haweeneyda lagu furay, isbitaalka Baydhabo ayuuna ku af baxay markii dambe” sidaa waxaa yiri goob jooge ka dhowaa goobta dilalkaas ay ka dhaceen oo magaciisa diiday in la sheego.

Daqiiqado ka dib waxaa goobtaas yimid ciidamo ka tirsan dowlada KMG Somalia ee halkaas gacanta ku hayey bilihii u dambeeyey, waxayna ka sameeyen baaritaano hase ahaatee laguma guuleysan in la soo qabto kooxaha dilalkaas geystay oo goobta ka baxsaday.
Lama oga ilaa hadda sababta loo dilay haweeneydaas iyo ninka la joogay iyo cida ka dambeysay, hase ahaatee goob joogayasha ayaa sheegaya in haweeneydaas ay shaah ka iibin jirtay qaar ka mid ah ciidamada Dowlada KMG Somalia ee gacanta ku haya magaalada Baydhabo.
Dilka labadan ruux ayaa qeyb ka ah dilal is daba joog ah oo ilaa bishii Febraayo ee sanadkan ka dhacayey magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, kuwaasoo intooda badan loo geystay dad shacab ah oo ka madax banaan dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya, waxaana masuuliyiinta dowlada ee gobolkaas ay intooda badan ku eedeeyaan dilalkaas xoogaga Al-shabaab.



garable.com

No comments:

Post a Comment