Monday, 14 May 2012

Nin loo diyaariyey xabaal oo ay nafti ku soo noqotay

Nin Masri ah oo loo qaatay inuu dhintay, loona qabeeyey si loogu diyaariyo xabaasha, ayey nafta ku soo noqotay galabti ay aheyd Jimcihi tagay intaan iilka qabriga la dhigin.

Hamdi Hafez al-Hubi, 28-jir, waxaa haleelay wadna xanuun xilli uu ka shaqeynayey muqaayad ku taal magaalada Naga al-Simman ee koonfurta gobolka Luxor, dalka Masar.

Hamdi oo loola cararay isbitaalka Luxor International Hospital, waxaa baaris kadib lagu dhawaaqay inuu geeriyooday, waxaanna ehelkiis loo sheegay inay maydka qaataan si ay u xabaalaan.

Qabeeys kadib, intii maydka loo xirayey karfanta, waxaa jirkiisa taabatay dhaqtarad la doonayey inay saxiixdo warqadda cadeynta in Hamdi al-Hubi uu dhintay. Dhaqtaraddi ayaa dareentay in jirka Hamdi uu wali diirimaad leeyahay, markaas ayey dhageysatay wadnihiisa, waxeyna ogaatay in wadnihiisa uu wax yar dhaqdhaqaaqayo.

Howl yar kadib, dhaqtaraddi waxey toosisay Hamdi, kaasoo in la xabaallo ay uga harsaneyd wakhti yar oo kooban.

Hamdi oo ay hooyadi isu diyaarisay inay maydka macasalaameyso ayaa suuxday kadib markii uu indho-kala-qaad iyo hadal isku daray wiilkeeda.

Dadki maydka sii qaadi lahaa ayaa farxad la qayliyey marki ay maqleen in Hamdi ay nafti ku soo noqotay, waxeyna ku dhawaaqayeen, "Waxaan marqaati ka nahay inuu Illaah jirin Alle mooyee."




garable.com

No comments:

Post a Comment