Monday, 21 May 2012

Muqdisho: Qado sharaf loo sameeyay khubarro Turki ah

Kulan qado sharaf ah ayaa maanta magaalada Muqdisho loogu sameeyay khubarro ka socota magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo dhowaanahan Muqdisho u joogay inay ka shaqeeyaan horumarinta magaalada.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdisamad Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).
Khubarrada ayaa ka shaqeynaysa qorshe lagu horumarinayo magaalada Muqdisho sidoo kalena lagu mataaneynayo magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul.
Horraantii bishan ayaa Istanbul waxaa socdaal ku tegay wafdi uu hoggaaminayay duqa magaalada Muqdisho, kaddib markii uu casuumaad ka helay maamulka Istanbul, waxayna ka wada-hadleen sidii uu Turkigu Muqdisho uga fulin lahaa mashaariic horumarinee
garable.com
muxudin diini fiidow

Wararki ugu danbeyay ee Shirka Saxiixeyaasha Roadmap uga Furmay adis ababa.

Waxaa maanta Xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa si rasmi ah uga furmay shirkii Madaxda Soomaaliyeed ee Saxiixayaashii Roadmap-ka. Shirkan oo galabta ka furmay Xarunta Midowga Afrika Qolka VIP-da ayaa waxaa furitaankiisa marti gelisay Midowga Afrika. Xafladdii furitaanka shirka ayaa waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, waxaana sidoo kale khudbado halkaas ka soo kala jeediyey Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika oo ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Ghana Jerry Rowlings, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden, Ra’iisul Wasaaraha Prof Abdiweli Mohamed Ali, Madaxweynaha Puntland Abdirahman Mohamed Mohamud Farole, Madaxweynaha Galmudug Mohamed Ahmed Alim iyo Madaxda Ahlu Sunna Waljameeca oo ay u hadleen Abdulkadir Moallim Nur iyo Sheikh Mohamed Aw-Libaax iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Dr Augustine Mahiga. Shirka waxaa goob joog ka ahaa beesha caalamka gaar ahaan Midowga Yurub, Mareykanka, Ingiriiska iyo mas’uuliyiin kale. Madaxda Soomaalida ayaa dhammaantood muujiyey sida loogu baahan yahay in shirkan uu u noqdo mid horumariya dhammaan dadaalada socda ee lagu soo af-jarayo xilliga KMG ah. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku ammaanay madaxda Soomaalida sida ay diyaarka ugu yihiin wadashaqeyn buuxda iyo sidii horey loogu sii horumarin lahaa qorshaha Roadmap-ka. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xasuusiyey beesha caalamka iyo Midowga Afrika in Madax Dhaqameedkii Soomaalida ay Muqdisho ku sugan yihiin dhowaana la rajeynayo inay soo dhameystiraan xulidda Ergada Ansixinta Dastuurka iyo xubnaha Baarlamaanka cusub, beesha caalamkana looga baahanyahay inay sii kordhiyaan dadaalkooda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay 12 sano ku jirto KMG loona baahanyahay in marka la soo afjaro, waxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay rajo wanaagsan ka qabaan sidii loo dhameystiri lahaa qorshaha Roadmap-ka oo hamiga shacabku uu aad u sarreeyo. Waxuuna talo ku soo jeediyey in guddi 15 xubnood ah ee Madax dhaqameedka ka mid ah in la sameeyo si ay u xaliyaan khilaafka beelaha qaarkood ee xubnaha matalaya beeshooda ee Madax Dhaqameedka ah. Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxda Ahlu Sunna ayaa iyagana khudbado ka soo jeediyey furitaankii xafladda shirka Madaxda Soomaalida. Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Ergeyga Gaarka ah ee XG ee QM Ambassador Mahiga oo ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha dadaalkiisa iyo fikirka ah in guddi 15 ah ee Madax Dhaqameedka la sameeyo oo ay xaliyaan khilaafka jira. Waxuuna sheegay inay muhiim tahay in Madaxda Soomaalida ay shirkan ka soo saaraan go’aanno muhiim ah. Jerry Rowlings ayaa aad u ammaanay horumarka Soomaaliya maanta ka jira oo uu si gaar ah uga mahadceliyey Madaxda Soomaalida iyo shacabka Soomaaliyeed, waxuuna sheegay in qorshaha Roadmap-ka uu si fiican u socdo kalsooni fiicanna geliyey beesha caalamka iyo Midowga Afrika oo uu sheegay in soo dhameystirka Dastuurka ay muhiim u tahay qorshaha soo dhameystirka Xilliga KMG ah. Kadib xafladdii furitaanka ayaa waxaa bilowday shirkii Madaxda Soomaalida oo beesha caalamku ay goobta ka baxeen shirkana si hoose ay Soomaalidu isu wareysanayeen. Shirkan ayaa lagu wadaa inuu caawa sii socdo ilaa iyo berri oo la filayo inay go’aanno muhiim ah soo baxaan. - - DHAMAAD - Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
garable.com
muxudin diini fiidow

Taliska Booliska Gobolka Banaadir Oo Maanta Waddooyinka Muqdisho Ku Soo Bandhigay Gaadiid Dagaal

Enlarge font
image
garable.com Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa maanta waxay waddooyinka Magaalada Muqdisho ku soo wareejiyeen gaadiid dhawaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ugu deeqday Dowladda Japan.


Markii ay gaadiidkaasi ku soo wareejiyeen waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyntii waxay isugu tageen Xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay Saxaafadda kula hadleen Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Ugu horeyn waxaa saxaafadda la hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska ee gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin wuxuu warbaahinta faah faahin ka siiyey waddooyinka ay soo mareen isagoo sheegay in waddooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir ay Baabuurtaasi socdaal ku soo mareen.

Wuxuu si gaar ah u cadeeyey inay maanta cagta soo mariyeen waddooyin badan sida Baar Ubax, fagax, Black sea, Cali kamiin, Sanco, wadada maka Al-Mukarama iyo waddooyin kale oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Hoggaanka Interbool ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed C/rashiid Axmed Xirsi oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay la shaqeeyaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa halkaasi isna Saxaafadda kula hadlay Taliyaha hoggaanka dambi barista gobolka Banaadir Cabdullaahi Xasan Bariise wuxuuna sheegay in gawaaridan ay maanta soo bandhigeen kaliya aysan maanta ku ekaan doonin oo dhawaan ay rajeynayaan in gaadiid kale ay gacantooda soo galaan ayna soo bandhigaan sida uu sheegay.

Sidoo kale Cabdullaahi Xasan Bariise wuxuu sheegay in gaadiidkan uusan ku ekaan doonin kaliya gobolka Banaadir balse la gaarsiin doono gobollada kale ee Dalka oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Dhawaan ayey hayd markii Dowladda Japan ay gaadiid dagaal ugu deeqday Ciidamada booliska Soomaaliyeed

garable.com
muxudin diini fiidow

dagaalamay Deegaanka KM50 ee Gobolka Sh/hoose

Enlarge font
image
garable.com Kooxo Maleeshiyaad kasoo jeedo Gobolkaas ayaa weerar gaadma ah waxaa ay kuqaadeen Fariisin Ciidamada Al-shabaab ay kulahayeen deegaanka KM50 waxaana halkaas kabilowday dagaal mudo kooban halkaas kasoconayay.

Wararka Dagaalka kasoo baxaya ayaa sheegya in uu salka kuhayay in kooxaha Maleeshiyada weerarka soo qaaday ay kasoo horjeesteen Xukun ay maxkamada Shabaab dhul beereed ay lahayeen ay ugu wareejisay dadkale.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Xukunkaas ay kacaraysiisay dadka dhulkooda laga wareejiyay ay go’aan sadeen in Xaqooda ay xoog kudhac sadaan.

Qasaaraha Dagaalka macada wali lakiin wararka ayaa sheegaya in labada dhinac dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay Dagaalka.

Qof goob jooge ayaa inoo sheegay inuu arkay in Ciidamo badan oo Al-shabaab ay kusii wajahnayeen Deegaanka lagu dagaalamay.

Maxkamadaha Shabaabku ayaa waxaa ay intabadan qaadan maalin walba dacwadaha ku aadan lahaanshaha dhul beereed laysku haysto kuwaas oo Xoog lagu lakala qaatay Waqtiyadii Hogaamiyo kooxeedyadii iyo waxii kahoreeyay ee Dalka Dowlad uusan lahay

garable.com
muxudin diini fiidow

MIDOWGA AFRICA OO KU BAAQAY IN LA DHAMEESTIRO QORSHAHA ROAD-MAP-KA EE LOOGA GUDBAAYO KMGNIMADA



Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Jerry Rawlings oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa ugu baaqay madaxda dowladda KMG ah in laga baxo xilliga KMG ah oo ku eg Bisha August ee sanadkan.

Madaxweynihii hore ee dalka Ghana Mr. Rawlings, ayaa ugu baaqay madaxda saxiixayaasha khariirada looga baxayo KMG ah ee Road-Map-ka in ay xal ka gaaraan muranka hadda ka dhex jira kaa oo shir looga hadlaayo uu maanta ay ku lee yihiin saxiixayaasha magaalada Addis Ababa ee dalka Ethoipia.

Wuxuu sheegay in caalamka ay hadda ka war sugayaan marka lagaaro 20-August xilligaas oo waqtiga KMG ah uu ku egyahay dowladdana looga baahan yahay inta ka horeesa in ay dhameestirto wax yaabaha u yaala oo ay ka mid yihiin dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Hadalka danjire Rawlings ayaa ku aadaya iyadoo Midowga Yurub, Midowga Africa iyo Mareykanka ay diidan yihiin in waqti kale oo dheeri ah dowladda loogu daro si ay u dhameestirto wax yaabaha hadda u harsan.

Ma cadda shirka ka socda Addis-Ababa oo uu soo qaban qaabiyay xafiiska siyaasada QM ee arrimaha Soomaaliya UNPOS ayna marti galienyso dowladda Ethiopia waxyaabaha ka soo baxaya iyo inta uu la egyahay qanacsanaanta dhinacyada ka qeyb galaya qodobada looga hadlayo.

Beesha caalamka waxa ay hadda indhaha ku heysaa marka lagaaro Bisha August waxa dowladda ay qabato ka hor inta aan lagaarin iyo sida ay xaaladu sii ahaan doonto.
garable.com
muxudin diini fiidow

QARAX KHASAARO GEYSTAY OO GOORDHOW KA DHACAY MAGAALADA MANDHEERA EE NFD



Wararka ka imaanaya Magaalada Mandheera gobolka NFD ee xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay qarax khasaaro geystay.
Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxay ka qaraxday goob ay fariisin u ahayd Ciidamada Dowladda Kenya ee Xadka magaalada Baladxaawo iyo magaalada Mandheera ee gobolka NFD.

Inta laxaqiijiyey Qaraxaasi waxaa ku geeriyooday labo ka tirsan Askarta Ciidamada Dowladda Kenya oo halkaasi fariisin ku lahaa kuwo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Qaraxa markii uu dhacay kaddib ayaa waxaa goobta soo gaaray Ciidamo fara badan oo ah militariga Kenya kuwaas oo howlgallo baaritaanno ah ka sameeyay halkaasi inkastoo aan la sheegin tirada inta ay la egtahay dadka ay u qab qabteen Qaraxaasi.

Inta badan qaraxyada ka dhaca xadka ay wadaagaan Dalal Soomaaliya iyo Kenya waxaa masuuliyaddiisa sheegta Ururka Al-Shabaab inkastoo aysan wali Qaraxan war ka soo saarin.
garable.com
muxudin diini fiidow

warar deg deg roobab aad ubadan oo kada,ay gobalka galgaduud

waxoo roobab aad ubadan ka da.ay gobolka galgaduud gaar ahaay ceelduur,geelgaras, ceellahele,ceelqooxle iyo garable iyo meelakale oo badan roobkaan oo da.aayo 8saac  ayaa dadka iyo duunyada ku diirsatay roobkaa oo in mudu aan da.in dadka abaaro ladaal dhacaayay koofurta iyo bartamaha soomaaliya dadka dagan deegaankaas ee sheegeen in oo wax qasaara,ah aan geesan
garable.com
muxudin diini fiidow
 

Ahlu Sunna Waljamaaca oo ka soo horjeesatay shirka Road Mad-ka looga hadlayo ee ka dhacaya dalka…

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa ka horyimid inay ka qeybgalaan shirka saxiixayaasha Road Mapka ee maanta ka furmaya magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kaas oo looga hadlayo arrimo badan oo ku saabsa dastuurka qabyo qoraalka iyo higelinta qorshaha Road Map-ka.
Guddoomiye ku xigeenka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe Axmad C/laahi Ilkacase oo ka hadlay shirka Addis Ababa ka furmaya ayaa sheegay inaysan waxba ka ogayn shirkaasi, wuxuuna intaasi ku daray in shirkaasi warkiisa ay ka maqleen warbaahinta, balse aysan jirin xog kale oo shirkaasi ay kala socdaan, wuxuuna diiday in xubno ka tirsan Ahlu Sunna ay shirka ka qeybgalayaan.
Guddoomiye Ilkacase waxa uu sheegay in garabkooda ay ka qaybgaleen shirki Road Mapka ee Garowe1 iyo 2, laakiin shirarkii dambe booski laga saaray oo la galiyey rag kale oo sheegta inay madax u yihiin Ahlu Snnada gobolka Banaadir, wuxuuna dhaleeceyn u jeediyey qaabka loo agaasimay shirka Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho, taas oo uu sheegay in laga kor tilaabsaday xulitaankii Waxagaradkii Gobolada Dhexe.
“Waxaan idiin sheegayaa inaan ka soo horjeedno shirka maanta uga furmaya dalka Itoobiya saxiixayaasha Road Map-ka dadka isku magacaabay, waxaan maqalnay oo keliya in shir ay Ahlu Sunna qeyb ka tahay uu ka dhacayo dalka Itoobiya waa been ma jito cid Ahlu Sunna Waljamaaca ka tirsan oo shikaasi ka qeybgaleysa marka laga reebo dad sheegta magaca Ahlu Sunna oo ay madaxda qaar si gaar ah u wataan” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe Axmad C/laahi Ilkacase oo warbaahinta Muqdisho qaarkood la hadlay.
Si kasta oo ay ahaataba hadalka ka soo yeeray maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa ku soo aadaya iyadoo uu isa soo tarayo kala aragti duwanaanshiyaha u dhaxeysa dowladda KMG iyo maamulada dalka ka jira qaarkood oo ay qeyb ka tahay Ahlu Sunna Waljamaaca, waxayna Ahlu Sunna iyo dowladda KMG ay isku khilaafeen qaabka ay Odayaasha dhaqanka ee ka qeybgalaya shirka lagu ansixinayo dastuurka loo soo xulayo, waxayna sheegeen in deegaanada ay ka taliyaan odayaashii ku sugnaa aan shirka Muqdisho uga socda Odayaasha aan laga qeybgelin
garable.com
muxudin diini fiidow

Dowladda Mareykanka oo sheegtay inaysan ogolaan doonin in Somaliland ay ka godo Soomaaliya, kana soo hojeestay maamul goboleedyada looga

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay waxay shaaca ka qaaday inaysan ogolaan doonin in Soomaaliya loo kala jarjaro maamul goboleedyo tiro badan oo mid waliba uu Madaxweyne gooni ah sheeganayo, isla markaasan aysan suurtagal aheyn in gobol kasta iyo tuulo kasta oo Soomaaliya ka tirsan ay yiraahdaan waxaan nahay dowlad goboleed leh Madaxweyne iyo Xukuumad u gaar ah.
Donald Yamamoto oo ah ku xigeenka Xoghayah arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabisan arrimaha Afrika oo talaadadii hore magaalada Minneapolis kulan kula yeeshay xubno ka tirsan Jaaliaydda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota ayaa ka hadlay sida uga soo horjeedo in Soomaaliya la kala googooyo ama la kala qeybiyo.
“Mareykanku ma ogolaanayo in Soomaaliya loo kala qeybiyo dhulan {lands} kuwaas oo leh 37 madaxweyne, sidoo kale Mareykanku ma aqonsanayo Somaliland inay noqoto state ka go’a Soomaaliya” ayuu yiri Donald Yamamoto.
“Muddooyinkii dambe dalka Soomaaliya waxaa ku soo badanayey dadka sheeganaya inay yihiin Madaxweyne deegaan ka tirsan Soomaaliya, isla markaasna ay yihiin dowlad goboleed ka jirta Soomaaliya amaba ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale” ayuu yiri Donald Yamamoto.
Sidoo kale Donald Yamamoto waxa uu sheegay in beesha caalamka oo keliya aysan waxba u keeni karin dalka Soomaaliya, balse la doonayo in dadka Soomaaliyeed ay iyagu xalka la yimaadaan marka hore, waayo ayuu yiri Soomaaliya waa dalkoodii, dad aan u dhalan dalkaaga xal kuuma keenayaan ee sidaasi darteed dadka Soomaaliyeed waa inay fikiraan oo ay aayahooda ka tashadaan ayuu yiri Donald Yamamoto.
Dhinaca kale Donald Yamamoto waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda KMG ee hadda jirta in marka la gaaro 20-ka bisha August 2012-ka ay xukunka ku wareejiso dowlad cusub oo la soo doorto, isla markaasna aysan ku fekerin in waqti dambe loogu daro sidi horay u dhacday dhowrjeer oo hore, wuxuuna intaasi ku daray in dowlad kasta oo timaada ay ku shaqeyso rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee ay dowladdu u tahay.
Dhanka kale dowladda Maraykanka ayaa markii u horeysay ka hadashay fariisimaha Al-Shabaab ay ka sameynayso Buuralayda Galgala iyo usoo wareegitaankooda degaanada Puntland, waxaana ergayga Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo la hadlay warbaahinta uu sheegay inay ka walaacsanyihin dagaalyahanada Al-shabaab kusoo qulqulaaya degaanada Puntland
garable.com
muxudin diini fiidow

QAAR KA MID AH ARDAYDII DEEQAHA WAXBARASHO KA HELAY TURKIGA OO LAGU SOO CELINAYO MUQDISHO



Wasiirka waxbarashada Xukuumadda KMG Soomaaliya Axmed Caydiid Ibraahim ayaa wuxuu sheegay in qaar ka mid ah Ardayda deeqaha waxbarasho ka helay wadanka Turkiga dib loogu soo celinayo Magaalada Muqdisho.
Axmed Caydiid Ibraahim wuxuu sheegay in ardaydaas sababta loo soo celinayo ay tahay in markii ay tageen dalka Turkiga ay la soo bexeen shahaadooyin been abuur ah, isagoo tusaaleeyey in arday markii hore Muqdisho uga baxay inay yihiin dugsi dhexe markii ay tageen Turkiga ay la soo bexeen shahaadooyin been abuur ah oo dugsi sare ah sidaa darteedna masuuliyiinta wasaaradda Waxbarashada Turkiga ay sheegeen in dib loogu soo celinayo Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka waxbarashada Xukuumadda KMG Soomaaliya Axmed Caydiid Ibraahim ayaa tilmaamay inuu la kulmay Arday ku jirtay iskuul ku yaala Magaalada Istambuul ee Dalka Turkiga kuwaas oo uu sheegay inay u sheegeen in waxbarashadooda ay wanaagsan tahay laakiin Jaamacadihii loo geeyey Dalkaasi aysan wali bilaabin.

Wuxuuna xusay in arrintaasi ay deg deg tahay maadaama sida uu yiri markii la doonayo in jaamacad la dhigto la rabo in wax badan laga barto luqada Dalkaasi Turkiga haatanna waxbarashadaas ay u socoto deg deggana ay iska daayaan sida uu sheegay.

Wadanka Turkiga ayaa waxaa horay loo gaarsiiyey Arday badan oo Soomaali ah kuwaasi oo fursado waxbarasho ka helay Dalkaas
garable.com
muxudin diini fiidow

Ciyaaryahan Didier Drogba Oo Ka Tagaya Chelsea Kuna Sii Jeeda China.


Didier Drogba ayay u muuqataa inuu u ciyaaray Chelsea kulankiisii ugu danbeeyay, iyadoo la filayo in kooxda ay xaqiijiso inuu ku biirayo kooxda reer China ee Shanghai Shenhua sida ay qortay jariirada Daily Mail.
Waxa ay la micno tahay in markii ugu danbeysay ee Drogba uu xirto maaliyada Chelsea inay aheyd kubadii rigoorada ee uu ugu qaaday Champions League habeenkii sabtida. Didier Drogba ayaa la filayaa inuu China ka garab ciyaaro saaxiibkiisii hore Nicolas Anelka, isagoo qaadan doona isbuucii 250 kun ginni.
Waxaana sida Daily Mail ay sheegeyso bixitaankiisa raaci doona maalgeshi cusub oo uu Roman Abramovich ku sameeyo kooxda.


Milkiile Abramovich ayaa helay koobkii uu raadinayay tan iyo 2003dii, waxaana ay uu koobka Champions League soo xaadiray ka dib markii uu hal bilyan ginni uu ku qarashgareeyay Blues intii uu milkiile ka ahaa.
Ninka reer Russia ayaa ciyaartoydiisa ku booqday qolka labiska ka dib markii ay koobka qaadeen, isagoo u cadeeyay inuu jiri doono maalgashi cusub oo uu kooxda ku sameyn doono.
Todobaadkan waxa uu la kulmi doonaa tababare Di Matteo si ay uga wadahadlaan mustaqbalkiisa, waxaana la ogsoon yahay inay jirto fursad fiican oo heshiis loogu soo bandhigo tababaraha Talyaaniga, taasoo Abramovich u ogolaaneysa inuu sugo inta Guardiola uu nasashada ku maqan yahay

garable.com
muxudin diini fiidow

War deg deg ah: Maxkamada gobolka Banaadir oo amartay in lasoo xiro Xeer Ilaaliyaha Qaranka

Kadib kiis lacageed oo gaaraya $100,000 (boqol kun oo dollar) islamarkaana horay go’aan Maxkamadda Gobolka Banaadir uga gaartay ayaa maanta markale dib loo soo furay.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Cilmi Xaashi Nuur oo saxaafadda kula hadlay xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kiiskani uu ahaa mid horay go’aan looga gaaray hayeeshe masuuliyiin ka tirsan Maxkamada Gobolka Banaadir ay ku sameeyeen musuq maasuq iyo wax isdaba marin.
Cilmi Xaashi Nuur ayaa sheegay in ku simaha xeer ilaaliyaha Qaranka Cali Maxamed Yuusuf uu ku tuntay Sharciga u yaalay maxkamadda Gobolka.
Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Cilmi Xaashi Nuur ayaa waxa uu ciidamada Booliska iyo Nabad sugidda ku amray in horkeenaan maxkamadda Gobolka eedeysane Cali Maxamed Yuusuf oo ahaa ku simaha Xeer ilaaliyaha Qaranka.
Wuxuu sheegay in xeer ilaaliyaha qaranka uu ku xadgudbay sharciga u yaalay maxkamadda gobolka.
Kiiskan ayaa maxkamadda Gobolka waxa ay horay go’aan uga gaartay Bishii January ee sanadkan aan ku guda jirno iyadoo maanta dib loo soo cusbooneeysiiyay islamarkaana uu socon doono ilaa cadeymo dhameys tiran laga helo.
garable.com

muxudin diini fiidow