Monday, 21 May 2012

QARAX KHASAARO GEYSTAY OO GOORDHOW KA DHACAY MAGAALADA MANDHEERA EE NFD



Wararka ka imaanaya Magaalada Mandheera gobolka NFD ee xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay qarax khasaaro geystay.
Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxay ka qaraxday goob ay fariisin u ahayd Ciidamada Dowladda Kenya ee Xadka magaalada Baladxaawo iyo magaalada Mandheera ee gobolka NFD.

Inta laxaqiijiyey Qaraxaasi waxaa ku geeriyooday labo ka tirsan Askarta Ciidamada Dowladda Kenya oo halkaasi fariisin ku lahaa kuwo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Qaraxa markii uu dhacay kaddib ayaa waxaa goobta soo gaaray Ciidamo fara badan oo ah militariga Kenya kuwaas oo howlgallo baaritaanno ah ka sameeyay halkaasi inkastoo aan la sheegin tirada inta ay la egtahay dadka ay u qab qabteen Qaraxaasi.

Inta badan qaraxyada ka dhaca xadka ay wadaagaan Dalal Soomaaliya iyo Kenya waxaa masuuliyaddiisa sheegta Ururka Al-Shabaab inkastoo aysan wali Qaraxan war ka soo saarin.
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment