Guddoomiye ku xigeenka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe Axmad C/laahi Ilkacase oo ka hadlay shirka Addis Ababa ka furmaya ayaa sheegay inaysan waxba ka ogayn shirkaasi, wuxuuna intaasi ku daray in shirkaasi warkiisa ay ka maqleen warbaahinta, balse aysan jirin xog kale oo shirkaasi ay kala socdaan, wuxuuna diiday in xubno ka tirsan Ahlu Sunna ay shirka ka qeybgalayaan.
Guddoomiye Ilkacase waxa uu sheegay in garabkooda ay ka qaybgaleen shirki Road Mapka ee Garowe1 iyo 2, laakiin shirarkii dambe booski laga saaray oo la galiyey rag kale oo sheegta inay madax u yihiin Ahlu Snnada gobolka Banaadir, wuxuuna dhaleeceyn u jeediyey qaabka loo agaasimay shirka Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho, taas oo uu sheegay in laga kor tilaabsaday xulitaankii Waxagaradkii Gobolada Dhexe.
“Waxaan idiin sheegayaa inaan ka soo horjeedno shirka maanta uga furmaya dalka Itoobiya saxiixayaasha Road Map-ka dadka isku magacaabay, waxaan maqalnay oo keliya in shir ay Ahlu Sunna qeyb ka tahay uu ka dhacayo dalka Itoobiya waa been ma jito cid Ahlu Sunna Waljamaaca ka tirsan oo shikaasi ka qeybgaleysa marka laga reebo dad sheegta magaca Ahlu Sunna oo ay madaxda qaar si gaar ah u wataan” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe Axmad C/laahi Ilkacase oo warbaahinta Muqdisho qaarkood la hadlay.
Si kasta oo ay ahaataba hadalka ka soo yeeray maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa ku soo aadaya iyadoo uu isa soo tarayo kala aragti duwanaanshiyaha u dhaxeysa dowladda KMG iyo maamulada dalka ka jira qaarkood oo ay qeyb ka tahay Ahlu Sunna Waljamaaca, waxayna Ahlu Sunna iyo dowladda KMG ay isku khilaafeen qaabka ay Odayaasha dhaqanka ee ka qeybgalaya shirka lagu ansixinayo dastuurka loo soo xulayo, waxayna sheegeen in deegaanada ay ka taliyaan odayaashii ku sugnaa aan shirka Muqdisho uga socda Odayaasha aan laga qeybgelin
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment