Monday, 21 May 2012

QAAR KA MID AH ARDAYDII DEEQAHA WAXBARASHO KA HELAY TURKIGA OO LAGU SOO CELINAYO MUQDISHO



Wasiirka waxbarashada Xukuumadda KMG Soomaaliya Axmed Caydiid Ibraahim ayaa wuxuu sheegay in qaar ka mid ah Ardayda deeqaha waxbarasho ka helay wadanka Turkiga dib loogu soo celinayo Magaalada Muqdisho.
Axmed Caydiid Ibraahim wuxuu sheegay in ardaydaas sababta loo soo celinayo ay tahay in markii ay tageen dalka Turkiga ay la soo bexeen shahaadooyin been abuur ah, isagoo tusaaleeyey in arday markii hore Muqdisho uga baxay inay yihiin dugsi dhexe markii ay tageen Turkiga ay la soo bexeen shahaadooyin been abuur ah oo dugsi sare ah sidaa darteedna masuuliyiinta wasaaradda Waxbarashada Turkiga ay sheegeen in dib loogu soo celinayo Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka waxbarashada Xukuumadda KMG Soomaaliya Axmed Caydiid Ibraahim ayaa tilmaamay inuu la kulmay Arday ku jirtay iskuul ku yaala Magaalada Istambuul ee Dalka Turkiga kuwaas oo uu sheegay inay u sheegeen in waxbarashadooda ay wanaagsan tahay laakiin Jaamacadihii loo geeyey Dalkaasi aysan wali bilaabin.

Wuxuuna xusay in arrintaasi ay deg deg tahay maadaama sida uu yiri markii la doonayo in jaamacad la dhigto la rabo in wax badan laga barto luqada Dalkaasi Turkiga haatanna waxbarashadaas ay u socoto deg deggana ay iska daayaan sida uu sheegay.

Wadanka Turkiga ayaa waxaa horay loo gaarsiiyey Arday badan oo Soomaali ah kuwaasi oo fursado waxbarasho ka helay Dalkaas
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment