Monday, 21 May 2012

Ciyaaryahan Didier Drogba Oo Ka Tagaya Chelsea Kuna Sii Jeeda China.


Didier Drogba ayay u muuqataa inuu u ciyaaray Chelsea kulankiisii ugu danbeeyay, iyadoo la filayo in kooxda ay xaqiijiso inuu ku biirayo kooxda reer China ee Shanghai Shenhua sida ay qortay jariirada Daily Mail.
Waxa ay la micno tahay in markii ugu danbeysay ee Drogba uu xirto maaliyada Chelsea inay aheyd kubadii rigoorada ee uu ugu qaaday Champions League habeenkii sabtida. Didier Drogba ayaa la filayaa inuu China ka garab ciyaaro saaxiibkiisii hore Nicolas Anelka, isagoo qaadan doona isbuucii 250 kun ginni.
Waxaana sida Daily Mail ay sheegeyso bixitaankiisa raaci doona maalgeshi cusub oo uu Roman Abramovich ku sameeyo kooxda.


Milkiile Abramovich ayaa helay koobkii uu raadinayay tan iyo 2003dii, waxaana ay uu koobka Champions League soo xaadiray ka dib markii uu hal bilyan ginni uu ku qarashgareeyay Blues intii uu milkiile ka ahaa.
Ninka reer Russia ayaa ciyaartoydiisa ku booqday qolka labiska ka dib markii ay koobka qaadeen, isagoo u cadeeyay inuu jiri doono maalgashi cusub oo uu kooxda ku sameyn doono.
Todobaadkan waxa uu la kulmi doonaa tababare Di Matteo si ay uga wadahadlaan mustaqbalkiisa, waxaana la ogsoon yahay inay jirto fursad fiican oo heshiis loogu soo bandhigo tababaraha Talyaaniga, taasoo Abramovich u ogolaaneysa inuu sugo inta Guardiola uu nasashada ku maqan yahay

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment