Monday, 21 May 2012

War deg deg ah: Maxkamada gobolka Banaadir oo amartay in lasoo xiro Xeer Ilaaliyaha Qaranka

Kadib kiis lacageed oo gaaraya $100,000 (boqol kun oo dollar) islamarkaana horay go’aan Maxkamadda Gobolka Banaadir uga gaartay ayaa maanta markale dib loo soo furay.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Cilmi Xaashi Nuur oo saxaafadda kula hadlay xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kiiskani uu ahaa mid horay go’aan looga gaaray hayeeshe masuuliyiin ka tirsan Maxkamada Gobolka Banaadir ay ku sameeyeen musuq maasuq iyo wax isdaba marin.
Cilmi Xaashi Nuur ayaa sheegay in ku simaha xeer ilaaliyaha Qaranka Cali Maxamed Yuusuf uu ku tuntay Sharciga u yaalay maxkamadda Gobolka.
Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Cilmi Xaashi Nuur ayaa waxa uu ciidamada Booliska iyo Nabad sugidda ku amray in horkeenaan maxkamadda Gobolka eedeysane Cali Maxamed Yuusuf oo ahaa ku simaha Xeer ilaaliyaha Qaranka.
Wuxuu sheegay in xeer ilaaliyaha qaranka uu ku xadgudbay sharciga u yaalay maxkamadda gobolka.
Kiiskan ayaa maxkamadda Gobolka waxa ay horay go’aan uga gaartay Bishii January ee sanadkan aan ku guda jirno iyadoo maanta dib loo soo cusbooneeysiiyay islamarkaana uu socon doono ilaa cadeymo dhameys tiran laga helo.
garable.com

muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment