Markii ay gaadiidkaasi ku soo wareejiyeen waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyntii waxay isugu tageen Xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay Saxaafadda kula hadleen Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.
Ugu horeyn waxaa saxaafadda la hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska ee gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin wuxuu warbaahinta faah faahin ka siiyey waddooyinka ay soo mareen isagoo sheegay in waddooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir ay Baabuurtaasi socdaal ku soo mareen.
Wuxuu si gaar ah u cadeeyey inay maanta cagta soo mariyeen waddooyin badan sida Baar Ubax, fagax, Black sea, Cali kamiin, Sanco, wadada maka Al-Mukarama iyo waddooyin kale oo ku yaala Magaalada Muqdisho.
Hoggaanka Interbool ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed C/rashiid Axmed Xirsi oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay la shaqeeyaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa halkaasi isna Saxaafadda kula hadlay Taliyaha hoggaanka dambi barista gobolka Banaadir Cabdullaahi Xasan Bariise wuxuuna sheegay in gawaaridan ay maanta soo bandhigeen kaliya aysan maanta ku ekaan doonin oo dhawaan ay rajeynayaan in gaadiid kale ay gacantooda soo galaan ayna soo bandhigaan sida uu sheegay.
Sidoo kale Cabdullaahi Xasan Bariise wuxuu sheegay in gaadiidkan uusan ku ekaan doonin kaliya gobolka Banaadir balse la gaarsiin doono gobollada kale ee Dalka oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Dhawaan ayey hayd markii Dowladda Japan ay gaadiid dagaal ugu deeqday Ciidamada booliska Soomaaliyeed
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment