Saturday, 2 June 2012

Madaxweynaha Soomaliya oo ka dagay magaalada Arusha dalka Tanzania(Halkan Ka Daawo Sawirada)


Madaxweynaha Soomaliya oo ka dagay magaalada Arusha dalka Tanzania(Halkan Ka Daawo Sawirada)
526771_462457820450336_1527856298_n

Madaxweyne Soomaliya sheekh shariif oo maanta ka soo Duulay dalka Turkiga ayaa gaaray magaalada  Arusha dalka Tanzania.
4533334_462457433783708_143310362_n564916_462457767117008_721038475_n
Waxaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay Xubno ka tirsan dowlada Tabnzania oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha dalkaas, waxaana la geeyay Aqalka Madaxtooyada dalkaas looga arimiyo.
575059_462457543783697_1798519171_n581311_462457623783689_1671037864_n
481273_462457400450378_778227548_n403534_462457470450371_1390962843_n
Shariif ayaa intii uu halkaas joogo waxa uu la kulmi doonaa Madax uu ka midyahay madaxweynaha dalkaas, waxa uuna noqonayaa safarkaan kii labaad uu ku tago sanadkan oo kaliya shariifka
garable.com muxudin diini fiidow

Calankii Madoobaa ee Al-Shabaab oo laga suuliyay Deegaanada loo Barakacay laguna Badalay Calankii Soomaali Weyn

Kooxda Raaskanbooni uu Durba Maamul Jeebkeeda ah u magacawday Degmada Afmadow ee Dhawaan la wareegeen Ciidamada Huwanta



Kooxda Raaskanbooni uu Hogaamiyo Sheekh Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe) ayaa durba maamul iyaga u gaar ah waxa ee u sameeyeen Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose halkaas ee dhawaan la wareegeen Ciidamada Dowlada ,kuwa Kenya iyo Kooxda Raaskanbooni.

Kooxda Raaskanbooni ayaa raga iyaga katirsan kana saoo jeeda asal ahaan deegaankaasi waxa ay u magaaceebn si KMG ah Gudoomiyaha Degmada Afmadow iyo Gudoomiyaha dhinaca amaanka ee Degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Afmadow ayaa waxaa loo magacaabay C/xakiin Cumar Xaaji oo kamid ahaa Mas’uuliyiinta Raskamboni , halka hogaanka Amniga ee degmada Afmadow loo magacaabay Aar Sheekh Cali oo ka tirsanaa sharaakiisha Raskamboniyiinta.

Xubnaha kale ee Maamulka Degmada Afmadow ayaa la sheegay in iyaga saacadaha soo aadan lagu soo dhawaaqi doono uuna socdo wada tashiyo amuurtaasi ku aadan..

Lama oga in Maamulkaan Maanta looga dhawaaqay Degmada Afmadow ay raali kayihiin Dhinaca Dowlada KMG ee Soomaaliya ay howlgalka kuwada jiraan iyadoona laga yaabo in Maamulkan uu qilaaf ka dsax abuuro labada garab.

Dhawaan ayey aheed Markii Xarakada Al-Shabaab gacnateeda laga saaray Degmada Afmadow ay katalinayeen in kabadan Labo Sano iyadoona hada ay maamulka Degmadaasi gacanta ku hayaan Ciidamada Huwanta
garable.com. muxudin diini fiidow
 

CIIDAMO BOOLIIS AH OO LAGU WAREEJIYAY INTA U DHAXEEYSA MUQDISHO IYO AFGOOYE IYO ISKA HORIMAAD HALKAASI KA DHACAY

 

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Nabad sugidda oo ay horkacayeen Taliyaasha Ciidamada Nabad Sugidda Gobalka Banaadir iyo Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Shariif Shiiquna Maya ayaa maanta waxa ay gaareen deeganadii dhawaan dowladda iyo Ciidamada AMISOM ay la wareegeen.

Ka hor inta aysan gaarin Ciidamada Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa dhaxda u galay ciidamo ka tirsan Ururka Al-shabaab iyadoona halkaasi uu ku dhexmaray iska horimaad kooban.

Iska horimaadk ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid si gaadmo ah ciidamo ka tirsan Al-Shababa ugu qaadeen kolonyada gaadiidka ay saarnaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee Dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur Siidii oo [wabarimedia.com] la hadlay ayaa wuxuu sheegay in uu jiro iska horimaadkaasi.

Wuxuu sheegay in gaadiid ay saaranaayeen ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugidda dhaxda ay u galeen shabaab laakiin uu tilmaamay inay iska caabiyeen ciidamada dowladda halkaasina uusan jirin dhankooda wax khasaaro ah oo kasoo gaaray.

C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur Siidii ayaa Sidoo kale sheegay inta udhaxeeysa Muqdisho Afgooye maanta lagu wareejiyay ciidamada Booliiska iyo Nabad sugidda dowlada si ay u xaqiijiyaan ammaanka deegandaasi.

Waxa uu tilmaamay in la dajiyay Saldhigyadii ciidamada Al-Shabaab ay ku lahaayeen deeganadaasi islamarkaana halkaasi ay ka howlgalayaan.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen inay Shabaab ka saareen inta udhaxeeysa Muqdisho iyo Afgooye hayeeshe waxaa jira mararka qaar weeraro dagaal ah oo ay soo qaadaan ciidamada Shabaab kuwaasi oo bartilmaameedsada ciidamada dowladda Soomaaliya

garable.com
muxudin diini fiidow

Caalamku ma Ogaan Karo Xaalada Somalia Hadii aanay Tagin” Reysal Wasaraha Turkiga


Sabti, June 02, 2012 [wabarimedia.com] Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlayay shirkii lagu soo gabgabeeyay Istanbuul ee looga hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa deggenaashii Soomaaliya ayaa beesha caalamka ku war-geliyay inaysan ogaan karin xaaladda ka jirta Soomaaliya iyagoo aan tegin.
Shirkan oo ah kii labaad oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya oo lagu qabtay dalka Turkiga muddo laba sano gudahood ah ayaa wufuuddii ka qaybgashay waxay ka shegeen inay ka go’an tahay inay caawiyaan Soomaaliya.
“Idigoon Soomaaliya tegin waxba kama ogaan kartaan xaaladda, mana caawin kartid. sidaa daraadeed waxaan beesha calaamka u sheegayaa in xafiisyo wakiillo u noqdo ay ka furtaan Soomaaliya,” ayuu Erdogan u sheegay wufuuddii shirka ka qaygalaysay.
“Innagu (Turkiga) dadaal badan ayaan u galnay sii codka Soomaaliya loo maqli lahaa, taasna ma sameyn karo qof aan aan tegin Soomaaliya oo aan dareemin waxa ka jira,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa sheegay in xaaladda ka jita Soomaaliya ay tahay mid u baahan arag oo dareen, markaas kaddibna ay dunidu ka fulin karaan howlo lagu caawinyo dadka Soomaaliyeed iyo sidii dalkaas uu dhibaatada uga bixi lahaa.
Hay’adaha gargaarka ee caawiya Soomaaliya ayaa waxaa intooda badan ay xafiisyo ku leeyihiin dalka Kenya oo daris la ah Soomaaliya, iyagoo sheegay inay halkaas kala socdaan xaaladda ka jirta gudaha dalka.
Tayyip Erdogan ayaa noqonaya mas’uulkii ugu sarreeyay dunida oo booqda Soomaaliya kaddib sannadkii 1991-kii oo ay burburtay dowladii dhexe, waxaana ku wehliyay booqashadiisii bishii Ogoosto ee sannadkii hore qoyskiisa, xubno ka tirsan wasiirradiisa, ganacsato iyo fannaaniin Turki ah.
Dowladda Turkiga waxay safaaraddeedii ka furatay Muqdisho, waxay sidoo kale ka dhiseen isbitaallo iyo iskuullo, sidoo kale waxay diyaarada Turkish Airlines ay billowday inay Soomaaliya ku tago duulimaadyo caalami ah, iyadoo noqonaysa diyaaraddii ugu horreysay oo caalami ah oo tagta Soomaaliya muddo 20-sano ka badan.
Hoggaamiyaha Turkiga ayaa kula taliyay Qaramada Midoobay inay kordhiso howsha ay ka hayso Soomaaliya, ayna xoojiyo joogitaankeeda. Sidoo kalena wuxuu ugu baaqay dalalka kale ee dunida inay tagaan Soomaaliya oo ay safaaradahoodii dib u furtaan
garable.com
muxudin diini fiidow

Dagaalkan oo u dhexeeya kooxdda Alshabaab iyo Culimada ururka Ahlusuna waljamaaca ayaa maanta mar kale ka dhacay Deegaano ka tirsan Degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud kaasi oo lagu magacaabo cadayle iyo sidoo kale Daafeed.


.


Dagaalkan oo u dhexeeya kooxdda Alshabaab iyo Culimada ururka Ahlusuna waljamaaca ayaa maanta mar kale ka dhacay Deegaano ka tirsan Degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud kaasi oo lagu magacaabo cadayle iyo sidoo kale Daafeed.

Waxaa la sheegay in dagaalkaasi oo ahaa mid xoogan uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac aad u farabadan, iyadoo ay dhimashadu gaareyso sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo halkaasi ku sugan ku dhowaad 10 qof dhaawacuna uu ka tiro badan yahay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dagaalka ay ku gacan sareeyeen xoogaga ahlusuna waljamaaca iyagoo gacanta ku dhigay deegaanadii ay kula dagaalameen kooxdda Alshabaab.

C/xasan Maxamed oo ah Taliyaha nabadgalyadda Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo saxaafada siiyay war ayaa xaqiijiyay wararkaasi isagoo tibaaxay in deegaanada Cadayle iyo Daafeedba ay gacanta u galeen kuwa ururka Ahlusuna halka markii hore halkaasi ay joogeen maliishiyaadka kooxdda Alshabaab.

Dagaalkan maanta ka dhacay degaanadaas ayaa ku soo aadaya xili labada dhinac ay qalabka warbaahinta gaar ahaan Ahlusuna walajamaaca ay isku marinayeen hanjabaado la xiriirta in ay dagaalo lagula wareegayo deegaanada aan ku jiray gacanta Ahlusuna ay qaadayso.
Si kastaba ha ahaatee Dagaalada ka jira gobolka Galgaduud ayaa saameyn buuxda ku reebtay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan deegaanadaas waxaana xusid mudan in dagaalada ay qeyb ka yihiin ciidamada Itoobiya oo gobolka ku sugan.

garable.com
muxudin diini fiidow

Daawo Sawirada”Nin Soomaali oo Wacdaro kadhigay Shirkii Istanbul


Tani markii Dowladii dhexe ee Soomaaliya bur bur xoogan ku imaaday isla markaa shacabka soomaaliyeed ukala firxadeyn dunida dacaladeeda ayaa qaarkood kasoo muujiyeen calankii heebada lahaa isla markaa dib u xasuusiyeen indhaha beesha caalamka.
Xuseen Yaasıın Godo-Goo waa muwaadin soomaaliyeed isla markaa lagu casuumo shirarka caalamiga loga hadlaayo arimaha somaliya aya wacdaro kadhigay shirkii saacado kahor lagu soo gaba gabeeyay magaalada istanbul wuxuuna isku soo xardhay dhar kuqoranyihin calanka somaliya oo laga tolay suudka hadaba daawo. garable.com muxudin diini
fiidow













CHINAActor –ka caanka ah ee Jackie Chan ayaa ugu dambeyn ku dhawaqay in uu joojin doono filimada dagaal ah sida lagu shaaciyay


CHINA [wabarimedia.com]Actor –ka caanka ah ee Jackie Chan ayaa ugu dambeyn ku dhawaqay in uu joojin doono filimada dagaal ah sida lagu shaaciyay


CHINA[wabarimedia] Actor –ka caanka ah ee Jackie Chan ayaa ugu dambeyn ku dhawaqay in uu joojin doono filimada dagaal ah sida lagu shaaciyay Myjoynline.com
Kadib sanado badan oo uu soo ahaa nin aad loogu qiieeyo filimada dagaalka ah ayuu jilaaga reer China sheegay in uu hakin doono filimadiisa dagaalka

Xili ay aduunyada marxalad adag galeyso ayuu Jackie Chan qiray in uu jili doonin dagal dambe waxaana filimkiisa ugu dambeeye ee dagaal ah uu noqon doonaaa "Chinese Zodic"  kaas oo hada la sameeyay
Waa 58 jir waxaana uu sheegay in da´du ay kamid tahay wax yaabaha aan usaamaxeyn in uu sii wado jilida filimada nuucaas ah
Taagerayashiisa ayuu ka raali galiyay Jackie Chan go,aankan hadii ay dhibsadaan

garable.com
muxudin diini fiidow

Xusni Mubaarak iyo Habib Al-Adly oo Xabsi Daa’in Lagu Xukumay



Qaahira Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa goordhowayd waxay xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay Madaxweynahii hore ee dalkaasi iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha.
Madxaweynahii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak iyo wasiirkii arrimaha gudaha ee Nidaamkiisa Habib al-Adly ayaa maanta lagu ridday xukun xabsi daa’in ah kaasi oo u dhiganta cimrigaa haku furto.
Mubaarak ayaa lagu soo eedeeyey in uu ku lug lahaa amarka lagu dilay 85-ruux oo ku mudaharaadaayey magaalooyinka Masar kuwaasi oo kasoo horjeeda maamulka Mubaarak.
Maxkamadaynta Maxamed Xusni Mubaarak ayaa socotay 10-kii bilood ee lasoo dhaafay waxaana la sheegay in ay si caddaalad ah u dhacday.
Xusni Mubaarak ayaa muddo 30-sano ah waxa uu Madaxweyne kasoo ahaa dalka Masar, waxaana lagu soo eedeeyey gabaad fallo kale oo dadka reer Masar lagula kacay.
Labada wiil ee uu dhalay Mukaarak oo lagu kala magcaabo Kamaal iyo Calaa ayaa iyagana la filaayaa in xukunno adag lagu riddo kadib markii lagu soo eedeeyey musuq maasuq.
Qaar kamid ah eheladii dadkooda lagu laayey kacdoonkii Masar ee sanad ka hor ayaa waxay sheegeen in Masar ay madaxa kala soo baxday 30-sano oo gumaysi iyo dhibaato ah hadda kadibna ay tahay waddan xor ah.
Maxamed Xusni Mukaarak waxa uu noqonaayaa hoggaamiyahii ugu horeeyey oo Carab ah kaasi oo lagu riddo xukun xabsi daa’in ah
garable.com
muxudin diini fiidow

War deg deg ah: Afar diyaaradood oo ciidan ah oo ka dagay Degmada Badhaadhe

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobalka jubadda hoose afar diyaaradood oo nooca xamuulka ah ayaa waxa ay ka dageen Degmada Badhaadhe oo ka tirsan gobalka Jubadda Hoose.
Diyaaradahan oo la sheegay inay wadeen ciidamado ka tirsan dowladda oo aad u fara badan ayaa waxa ay kasoo ambabaxeen Magaalada Dhoobleey ee gobalka juabdda hoose halkaasi oo ku yaala fariisimada ciidamada dowladda ay ku leeyhiin gobalada jubbooyinka.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ee laga soo qaaday Degmada Afmadoow lasoo buux dhaafiyay Degmada badhaahe halkaasina lagu daadshay.
Ujeedada ciidankan ayaa la sheegay inay tahay weerar inay ku qaadaan deegaano shabaab ay kaga sugan yihiin gobalka jubadda hoose halkaasi oo ladoonayo in Shabaab looga saaro dagaal.
Sidoo kale wararka laga helayo gobalka jubadda hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda diyaaradaha lagu soo qaaday ay la socdeen Helicoptero.
Waxaan la ogeeyn tirada ciidamadan inta ay la eegyihiin laakiin wararka ayaa tilmaamaya inay yihiin ciidamado aad u fara badan oo aad uqalabaysan.
Wararka laga helaya dhanka Magaalada Kismaayo ayaa wax ay sheegayaan in xalay Magaaladaasi dadka degan ay arkayeen diyaarad joog hoose ku socota taasi oo cabsi iyo walaac ku abuurtay dadka Ku nool Kismaayo.
Diyaarada la sheegay inay xalayto dul heehaabaysay Magaalada Kismaayo ayaa dadka deegaanka waxa ay ku tilmaamay mid dhawaqeedu uu culus yahay islamarkaana guud ahaan Magaalada dhan laga maqlayay.
Ciidamada dowladdaha Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya ee dhawaan la wareegay magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ujeedadoodu tahay in guud ahaan gobalada jubooyinka ay ka saaraan Xarakada Al-Shabaab.
Masuuliyiin ka tirsan Al-Shabaabna waxa ay dhankooda sheegen inay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada isbahaystay ee dagaalka ka wada gobalada jubooyinka.

garable.com
muxudin diini fiidow

Ka Qeyb Galayaashii Shirka Turkiga Oo U Tahriibay Griica( Xog Muhiim Ah

Wararka ka imaanaya saakay oo Jimco ah Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga oo shalay uu ka furmay shir ay ka Qeybgalayaan Madax dhaqameedyo iyo madaxda Dowlada KMG ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ka qeybgalayashii shirkaas la waayay.
 DAAWO SAWIRADA SHIRKA


Hoteladii ay xalay daganayeen ayaa laga waayay ku dhawaad 30-qof kuwas oo iskugu jira Odayaal, Bulshada Rayidka iyo Ganacsato la sheegay in lagu casuumay shirkaas.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dadkaas loo malaynayo in ay u baxeen dhinaca Giriiga si ay uga Gudbaan Dalalka Yurub, waxaana la sheegay in Ciidamada Booliiska Turkiga ay baadi goob ugu jiraan sidii loo heli lahaa dadkaas.
Ilo Xog Xogaal ah oo u Waramay Warbaahinta oo ku sugan Magaalada Istanbuul ayaa sheegay in ay ka mid yihiind dadka la la yahay, ilaa 10-dumar ah, waxaana la sheegay in Ciidamada amaanka Turkiga ay heleen dadkaas Qaar ka mid ah Sawiradooda oo la dhigay Koontaroolada looga baxo Dalkaas.
Sidoo kale Ciidamada bada Turkiga ayaa waxay Howlgaliyeen Doomaha dheereeya, si loo Helo dadkaas qaarkood oo la sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay ka baxeen Turkiga, ayaga oo ku sii jeeda dalka Giriiga.
Baxsashada la sheegay in ay ka baxsadeen qaar ka mid ah Ergadii ka Qeybgalaysay shirka ka socda Magaalada Istanbuul, ayaa imaanaya Xili maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen Warar sheegaya in ay shirkaas ka Qeybgalayaan dad aan lagu Casuumin, qaarkood oo lacago ku helay kaararkii looga Qeybgali lahaa shirkaas, kuwaas oo u jeedadooda ahayd in ay sii aadaan Wadamada Yurub.
Goobaha ay joogaan iyo Hotelada ay daganyihiin Ergada ka Qeybgalaysa shirkaas ayaa waxaa la Geeyay Ciidamo dhar cad ah, waxaana la sheegay in Ilaalo laga hayo marka ay soo Raacayan Ergada Basaska si ay u yimaadaan Goobta uu shirka ka socdo.
Xaalada ayaa ah mid kacsan waxaana Heegan la galiyay Ciidamada amaanka Turkiga, waxana laga shakisanyahay oo kale in dadkaas aysan wada ahayn Ergo qaarkoodna laga yaabo in ay yihiin kuwa aan ka Tirsanayn Ergada.


garable.com
muxudin diini fiidow

Dibad-baxyo rabshado wata oo ka dhacay Garoowe

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka taagan xiisad ay dhalisay rag dhaawac ah oo laga soo qabtay Tuulada Sanujiif oo ku beegan bariga magaalada. 
Dadweyne careysan ayaa ku hor-mudaharaadaya barxada weyn ee caasimada, iyagoo qaarkood dhagxaan iyo burar la dhacaya gaadiidka, waxayna ku qamaameen goobo ganacsi oo meesha ka ag-dhowaa, ganacsigaas  oo markii dambe istaagay.
Ciidmada Booliska iyo kuwa madaxtooyada ayaa rasaas ku jawaabaya, waxaana magaalada laga maqlayaa rasaas cirka loo tuurayo, iyadoo dadka dibad baxaya qaarkood hubeysan yihiin.
Dadweynaha rabshadaha dhigaya ayaa ka xanaaqsan Nin dadka deegaanka si weyn u yaqaaniin, laguna naaneeyso LAADHUU oo isagu xudun u ah rabshadaha iyo dibad baxyada hareeyey caasimada Puntland ee Garooowe gelinkii dambe ee maanta.
Warar ayaa sheegaya in ninkan oo dhaawac ah ciidamada Puntland ku weerareen tuula Sanujiif, kadib markii uu rasaas ooda uga qaaday xarumo ku yaala caasimada maalinimadii shalay, isagoo ka careysan arrimo la xiriira dhul lagu muransan yahay, goobhaha uu ooda uga qaaday rasaasta ayaa waxaa kamida Radio Garoowe oo uu leeyahay madaxweynaha Puntland.
Ninkaas iyo maleeshiyo uu wato ayaa markii ay falkaas geysteen waxay u baxsadeen dhanka tuulada Sanujiif, halkaas oo laga soo qabtay.
Wararkii u dambeeyeeyna waxay sheegayaan in dhimashada hal qof iyo dhawac laba kale ay ciidamadii ku raadd-joogay LAADHUU ay u geysteen maleeshiyo ciidamada dagaal kula gashay tuulada Sanujiif.

garable.com
muxudin diini fiidow

Dowladda KMG oo lagu eedeeyay inay lunsatay lacag gaareysa 130-milyan oo dollar, loogna hanjabay in

Warbixin uu soo saaray bangiga adduunka ee World Bank ayaa lagu sheegay in dowladda KMG Soomaaliya aysan meel ku sheegin dakhligii iyo mucaawnadii soo gashay muddo laba sano ah oo ah 2009-kii iyo 2010-kii.
Warbixinta oo toddobaadkan uu faafiyey Bangiga Adduunka ayaa sheegtay in dowladda KMG ay soo gashay lacag aad uga farabadan taas oo inteeda badan lala yahay halka ay matay cidda isticmaashay loona badainayo in gebiahaan la lunsaday oo la xaday, aysanna jirin cadeymo ah in lacagtaasi ay ku dhacaday qasanadda dowladda KMG Soomaaliya.
Warbixinta oo uu qoraa ka yahaynin lagu magacaabo Joakim Gundel ayaa sheegtay in ka dib markii la sameeyay xisaabin iyo dabagal hantidhowr ay daah-fureen baaritaan ka dib in doawladda KMG ay sandkii 2009-kii soo gashay lacag gaareysay $94-milyan oo dollar, laakiin waxay dowladda KMG sheegtay inay sanadkaasi soo gashay $11-milyan.
Sidoo kale xisaabin hanti dhowr oo la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in sandkii 2010-kii ay dowladda KMG soo gashay lacag dhan $70-milyan doolar, halka dowladda KMG-na ay ku warbixisay inay soo gashay $22-milyan oo dollar, waxayna warbixintu tiri “Waxaa halkaas ka muuqda is khilaafsanaan waxa soo xerooday ama soo galay khasnadda dowladda KMG, waxaa kale oo aan jirin cid xilkeeda qaadaysa sida lacagtaasi loo kharash gareeyay, halkaas waxaa ka taagan su’aal aad u weyn oo loo bahanyahay in jawaab waafi ah loo helo, haddii kale ay saameyn ku yeelaneyso dowladda KMG dhaqaalaheeda dambe”.
Labadaas sano ee 2009-kii iyo 2010-kii oo dabagalka hanti-dhawrka la sameeyay waxa aysan dowlada KMG meel ku sheegin lacag dhan $131-milyan oo doolar ayaa lagu yiri warbixintan oo kashifaysa in maaliyiin dollar oo dowladda KMG la lunsaday oo la xaday  taas oo ku maqan sida warbixintu sheegtay xukuumad kala dambeeyay ee dalka soo may gaarhaan kuwii 2-sano ee u dambeeyay dalka ka talinayey.

garable.com
muxudin diini fiidow

Yoweri Museveni:- Madaxda sare ee Soomaalida nabadeynta dalkooda waxay ka doorbideen sidii ay u heli lahaayeen baasabooro dibadda ah si ay

Madaxdwaynayaasha dalalka Turkiga iyo Yugandha Cabdalla Guul iyo Yoweri Museveni oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxay uga wadahadleen arrimaha dalka Soomaaliya oo ay ka yeesheen kulan saacado soconayey.
Madaxwaynaha dalka Yugandha Yoweri Museveni ayaa dowladda Turkiga waxa uu ku amaanay dedaalkeeda ku aadan xal u helidda dalka Soomaaliya isagoo dowladaha kale ugu baaqay in talaabada turkiga mid lamid ah ay qaadaan, wuxuuna ku tilmaamay shirka ka socda magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga inuu yahay kii Soomaalida ay uga samatabixi lahaayeen dhibaatada mudada dheer heystay, laakiin Museveni ayaa waxa uu eedeyn kulul u soo jeediyay madaxda Soomaalida ah oo uu ku eedeeyay inaysan tixgelin siineynin inay ka tashadaan aayaha dalkooda oo ay midoobaan.
Madaxweynaha Yugandha waxa uu shaaca ka qaaday in madaxda Soomaalida intii ay isku howli lahaayeen ina dalkooda nabadeeyaan ay ka fikirayaan sidii ay u heli lahaayeen baasabooro dhanka dibadda ah si ay isugu ilaaliyaan, wuxuuna intaasi ku daray in madaxda hadda jirta ee Soomaalida aysan aheyn kuwo daacad ah.
Dhinaca kale Madaxwaynaha dalka Turkiga Cabdalla Guul ayaa isagana dhankiisa waxa uu ka hadlay arrimaha Soomaaliya waxa uuna yiri “Soomaaliya maanta waxaan ka qabnaa rajo lixaad leh inay cagaheeda isku taagto mustaqbalkana wey hagaagi doontaa, waxaanna ka geeysan doonaa gacanta ugu weyn dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya kamana daali doono taageerada walaalaheena Soomaaliyeed”, wuxuuna intaasi ku daray oo uu balanqaaday in dalkiisu uu ka dhabeyndoono sidii loo hirgelinlahaa mashaariicda isugu jirta dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, iyadoo si gaar ah looga taageerayo abuurista dhaqaale, wuxuuna caalamka ku booriyey in rajada mustaqbal ee Soomaaliya u muuqata lagu gacansiiyo

garable.co m
muxudin diini fiidow

BANK MOON OO KA DIGAY IN QAB QABLEYAAL DAGAAL AY MARKALE LA WAREEGAAN TALADA SOOMAALIYA



Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon oo ka hadlaayay Jimcihii shalay Shirkii Istanbul ayaa ka digay in maqnaansiyaha awood dowladeed marka uu xilka KMG ah uu dhamaado oo ku eg August laga cabsi qabi karo in awooda ay la wareegaan kooxo qab-qablayaal dagaal.

Digniintan ayuu ka jeediyay shir labo maalin ka socday Istanbul oo ay ka qeyb galeen in ka badan 54-dowladood oo ay ku jirto dowladda Turkiga oo marti galisay.

Ban ayaa u sheegay wafuuddii Istanbul in loo baahan yahay in la adkeeyo ammaanka dalka ku yaala bariga Africa.

Sidoo kale xoghaya guud ee QM ayaa rajo fiican ka muujiyay in dowladda KMG ah ay wax walbo ku dhameyn doonto xilligeeda ilaa 20-ka August 2012.

" Waxa uu ii xaqiijiyay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayna rajeynayaan wafuuda halkan fadhisana in xilliga KMG ah uu ku egyahay Maalintaas, si loo loo yagleelo dowlad cusub" ayuu yiri Ban.

Ban ayaa sheegay Madaxweynaha cusub in la dooran doono 20-ka August wuxuuna sheegay dowladda cusub inay saldhig ugu noqon doonto dastuurka cusub.

Wuxuu yiri dowladda Cusub waa in ay saldhig u ahaataa xeerarka xuquuqda aadanaha.

Xoghayaha guud ee QM ayaa ammaanay in dastuurka cusub uu siinaayo dumarka 30% Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Mr. Ban ayaa sidoo kale ka sheegay shirka in beesha caalamka aysan mar walba garab istaageynin Soomaaliya looga baahan yahay inay ka faa'ideystaan fursadda hadda taagan.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Ahmet Davutoglu oo gabagabadii shirka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kulanka Istanbul la isku raacay in howasha ay dhabaha xaarto ammaan ka dhalata Soomaaliya.

Wuxuu yiri waxaa hadda socda dib u dhis iyadoo horumar laga gaarayo Siyaasadda, dhaqaalaha dib horumarinta gaar ahaan ammaanka, wuxuu yiri waxa la isku raacay in shirka uu Turkiga uu door ka qaato dib u dhiska iyo hay'addaha ammaanka Soomaaliya.

Wuxu ugu baaqay beesha caalamka Soomaaliya ay gacan ka geystaan arrimaha Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Baanka Adduunka wuxuu wariyay in ka badan 100-milyan oo dollarka oo la siiyay dowladda KMG ah intii u dhexeysay 2009 ilaa 2010 aan la hayn meel ay ka baxday, laakiin Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed wuu soo dhaweeyay tallaabadaas, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka inay arrintaas baaraan
garable.com
muxudin diini fiidow