Qaahira Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa goordhowayd waxay xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay Madaxweynahii hore ee dalkaasi iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha.
Madxaweynahii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak iyo wasiirkii arrimaha gudaha ee Nidaamkiisa Habib al-Adly ayaa maanta lagu ridday xukun xabsi daa’in ah kaasi oo u dhiganta cimrigaa haku furto.
Mubaarak ayaa lagu soo eedeeyey in uu ku lug lahaa amarka lagu dilay 85-ruux oo ku mudaharaadaayey magaalooyinka Masar kuwaasi oo kasoo horjeeda maamulka Mubaarak.
Maxkamadaynta Maxamed Xusni Mubaarak ayaa socotay 10-kii bilood ee lasoo dhaafay waxaana la sheegay in ay si caddaalad ah u dhacday.
Xusni Mubaarak ayaa muddo 30-sano ah waxa uu Madaxweyne kasoo ahaa dalka Masar, waxaana lagu soo eedeeyey gabaad fallo kale oo dadka reer Masar lagula kacay.
Labada wiil ee uu dhalay Mukaarak oo lagu kala magcaabo Kamaal iyo Calaa ayaa iyagana la filaayaa in xukunno adag lagu riddo kadib markii lagu soo eedeeyey musuq maasuq.
Qaar kamid ah eheladii dadkooda lagu laayey kacdoonkii Masar ee sanad ka hor ayaa waxay sheegeen in Masar ay madaxa kala soo baxday 30-sano oo gumaysi iyo dhibaato ah hadda kadibna ay tahay waddan xor ah.
Maxamed Xusni Mukaarak waxa uu noqonaayaa hoggaamiyahii ugu horeeyey oo Carab ah kaasi oo lagu riddo xukun xabsi daa’in ah
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment