Saturday, 2 June 2012

CIIDAMO BOOLIIS AH OO LAGU WAREEJIYAY INTA U DHAXEEYSA MUQDISHO IYO AFGOOYE IYO ISKA HORIMAAD HALKAASI KA DHACAY

 

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Nabad sugidda oo ay horkacayeen Taliyaasha Ciidamada Nabad Sugidda Gobalka Banaadir iyo Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Shariif Shiiquna Maya ayaa maanta waxa ay gaareen deeganadii dhawaan dowladda iyo Ciidamada AMISOM ay la wareegeen.

Ka hor inta aysan gaarin Ciidamada Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa dhaxda u galay ciidamo ka tirsan Ururka Al-shabaab iyadoona halkaasi uu ku dhexmaray iska horimaad kooban.

Iska horimaadk ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid si gaadmo ah ciidamo ka tirsan Al-Shababa ugu qaadeen kolonyada gaadiidka ay saarnaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee Dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur Siidii oo [wabarimedia.com] la hadlay ayaa wuxuu sheegay in uu jiro iska horimaadkaasi.

Wuxuu sheegay in gaadiid ay saaranaayeen ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugidda dhaxda ay u galeen shabaab laakiin uu tilmaamay inay iska caabiyeen ciidamada dowladda halkaasina uusan jirin dhankooda wax khasaaro ah oo kasoo gaaray.

C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur Siidii ayaa Sidoo kale sheegay inta udhaxeeysa Muqdisho Afgooye maanta lagu wareejiyay ciidamada Booliiska iyo Nabad sugidda dowlada si ay u xaqiijiyaan ammaanka deegandaasi.

Waxa uu tilmaamay in la dajiyay Saldhigyadii ciidamada Al-Shabaab ay ku lahaayeen deeganadaasi islamarkaana halkaasi ay ka howlgalayaan.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen inay Shabaab ka saareen inta udhaxeeysa Muqdisho iyo Afgooye hayeeshe waxaa jira mararka qaar weeraro dagaal ah oo ay soo qaadaan ciidamada Shabaab kuwaasi oo bartilmaameedsada ciidamada dowladda Soomaaliya

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment