Saturday, 2 June 2012

Dagaalkan oo u dhexeeya kooxdda Alshabaab iyo Culimada ururka Ahlusuna waljamaaca ayaa maanta mar kale ka dhacay Deegaano ka tirsan Degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud kaasi oo lagu magacaabo cadayle iyo sidoo kale Daafeed.


.


Dagaalkan oo u dhexeeya kooxdda Alshabaab iyo Culimada ururka Ahlusuna waljamaaca ayaa maanta mar kale ka dhacay Deegaano ka tirsan Degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud kaasi oo lagu magacaabo cadayle iyo sidoo kale Daafeed.

Waxaa la sheegay in dagaalkaasi oo ahaa mid xoogan uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac aad u farabadan, iyadoo ay dhimashadu gaareyso sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo halkaasi ku sugan ku dhowaad 10 qof dhaawacuna uu ka tiro badan yahay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dagaalka ay ku gacan sareeyeen xoogaga ahlusuna waljamaaca iyagoo gacanta ku dhigay deegaanadii ay kula dagaalameen kooxdda Alshabaab.

C/xasan Maxamed oo ah Taliyaha nabadgalyadda Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo saxaafada siiyay war ayaa xaqiijiyay wararkaasi isagoo tibaaxay in deegaanada Cadayle iyo Daafeedba ay gacanta u galeen kuwa ururka Ahlusuna halka markii hore halkaasi ay joogeen maliishiyaadka kooxdda Alshabaab.

Dagaalkan maanta ka dhacay degaanadaas ayaa ku soo aadaya xili labada dhinac ay qalabka warbaahinta gaar ahaan Ahlusuna walajamaaca ay isku marinayeen hanjabaado la xiriirta in ay dagaalo lagula wareegayo deegaanada aan ku jiray gacanta Ahlusuna ay qaadayso.
Si kastaba ha ahaatee Dagaalada ka jira gobolka Galgaduud ayaa saameyn buuxda ku reebtay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan deegaanadaas waxaana xusid mudan in dagaalada ay qeyb ka yihiin ciidamada Itoobiya oo gobolka ku sugan.

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment