Warbixinta oo toddobaadkan uu faafiyey Bangiga Adduunka ayaa sheegtay in dowladda KMG ay soo gashay lacag aad uga farabadan taas oo inteeda badan lala yahay halka ay matay cidda isticmaashay loona badainayo in gebiahaan la lunsaday oo la xaday, aysanna jirin cadeymo ah in lacagtaasi ay ku dhacaday qasanadda dowladda KMG Soomaaliya.
Warbixinta oo uu qoraa ka yahaynin lagu magacaabo Joakim Gundel ayaa sheegtay in ka dib markii la sameeyay xisaabin iyo dabagal hantidhowr ay daah-fureen baaritaan ka dib in doawladda KMG ay sandkii 2009-kii soo gashay lacag gaareysay $94-milyan oo dollar, laakiin waxay dowladda KMG sheegtay inay sanadkaasi soo gashay $11-milyan.
Sidoo kale xisaabin hanti dhowr oo la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in sandkii 2010-kii ay dowladda KMG soo gashay lacag dhan $70-milyan doolar, halka dowladda KMG-na ay ku warbixisay inay soo gashay $22-milyan oo dollar, waxayna warbixintu tiri “Waxaa halkaas ka muuqda is khilaafsanaan waxa soo xerooday ama soo galay khasnadda dowladda KMG, waxaa kale oo aan jirin cid xilkeeda qaadaysa sida lacagtaasi loo kharash gareeyay, halkaas waxaa ka taagan su’aal aad u weyn oo loo bahanyahay in jawaab waafi ah loo helo, haddii kale ay saameyn ku yeelaneyso dowladda KMG dhaqaalaheeda dambe”.
Labadaas sano ee 2009-kii iyo 2010-kii oo dabagalka hanti-dhawrka la sameeyay waxa aysan dowlada KMG meel ku sheegin lacag dhan $131-milyan oo doolar ayaa lagu yiri warbixintan oo kashifaysa in maaliyiin dollar oo dowladda KMG la lunsaday oo la xaday taas oo ku maqan sida warbixintu sheegtay xukuumad kala dambeeyay ee dalka soo may gaarhaan kuwii 2-sano ee u dambeeyay dalka ka talinayey.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment