Saturday, 2 June 2012

BANK MOON OO KA DIGAY IN QAB QABLEYAAL DAGAAL AY MARKALE LA WAREEGAAN TALADA SOOMAALIYA



Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon oo ka hadlaayay Jimcihii shalay Shirkii Istanbul ayaa ka digay in maqnaansiyaha awood dowladeed marka uu xilka KMG ah uu dhamaado oo ku eg August laga cabsi qabi karo in awooda ay la wareegaan kooxo qab-qablayaal dagaal.

Digniintan ayuu ka jeediyay shir labo maalin ka socday Istanbul oo ay ka qeyb galeen in ka badan 54-dowladood oo ay ku jirto dowladda Turkiga oo marti galisay.

Ban ayaa u sheegay wafuuddii Istanbul in loo baahan yahay in la adkeeyo ammaanka dalka ku yaala bariga Africa.

Sidoo kale xoghaya guud ee QM ayaa rajo fiican ka muujiyay in dowladda KMG ah ay wax walbo ku dhameyn doonto xilligeeda ilaa 20-ka August 2012.

" Waxa uu ii xaqiijiyay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayna rajeynayaan wafuuda halkan fadhisana in xilliga KMG ah uu ku egyahay Maalintaas, si loo loo yagleelo dowlad cusub" ayuu yiri Ban.

Ban ayaa sheegay Madaxweynaha cusub in la dooran doono 20-ka August wuxuuna sheegay dowladda cusub inay saldhig ugu noqon doonto dastuurka cusub.

Wuxuu yiri dowladda Cusub waa in ay saldhig u ahaataa xeerarka xuquuqda aadanaha.

Xoghayaha guud ee QM ayaa ammaanay in dastuurka cusub uu siinaayo dumarka 30% Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Mr. Ban ayaa sidoo kale ka sheegay shirka in beesha caalamka aysan mar walba garab istaageynin Soomaaliya looga baahan yahay inay ka faa'ideystaan fursadda hadda taagan.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Ahmet Davutoglu oo gabagabadii shirka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kulanka Istanbul la isku raacay in howasha ay dhabaha xaarto ammaan ka dhalata Soomaaliya.

Wuxuu yiri waxaa hadda socda dib u dhis iyadoo horumar laga gaarayo Siyaasadda, dhaqaalaha dib horumarinta gaar ahaan ammaanka, wuxuu yiri waxa la isku raacay in shirka uu Turkiga uu door ka qaato dib u dhiska iyo hay'addaha ammaanka Soomaaliya.

Wuxu ugu baaqay beesha caalamka Soomaaliya ay gacan ka geystaan arrimaha Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Baanka Adduunka wuxuu wariyay in ka badan 100-milyan oo dollarka oo la siiyay dowladda KMG ah intii u dhexeysay 2009 ilaa 2010 aan la hayn meel ay ka baxday, laakiin Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed wuu soo dhaweeyay tallaabadaas, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka inay arrintaas baaraan
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment