Saturday, 2 June 2012

Dibad-baxyo rabshado wata oo ka dhacay Garoowe

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka taagan xiisad ay dhalisay rag dhaawac ah oo laga soo qabtay Tuulada Sanujiif oo ku beegan bariga magaalada. 
Dadweyne careysan ayaa ku hor-mudaharaadaya barxada weyn ee caasimada, iyagoo qaarkood dhagxaan iyo burar la dhacaya gaadiidka, waxayna ku qamaameen goobo ganacsi oo meesha ka ag-dhowaa, ganacsigaas  oo markii dambe istaagay.
Ciidmada Booliska iyo kuwa madaxtooyada ayaa rasaas ku jawaabaya, waxaana magaalada laga maqlayaa rasaas cirka loo tuurayo, iyadoo dadka dibad baxaya qaarkood hubeysan yihiin.
Dadweynaha rabshadaha dhigaya ayaa ka xanaaqsan Nin dadka deegaanka si weyn u yaqaaniin, laguna naaneeyso LAADHUU oo isagu xudun u ah rabshadaha iyo dibad baxyada hareeyey caasimada Puntland ee Garooowe gelinkii dambe ee maanta.
Warar ayaa sheegaya in ninkan oo dhaawac ah ciidamada Puntland ku weerareen tuula Sanujiif, kadib markii uu rasaas ooda uga qaaday xarumo ku yaala caasimada maalinimadii shalay, isagoo ka careysan arrimo la xiriira dhul lagu muransan yahay, goobhaha uu ooda uga qaaday rasaasta ayaa waxaa kamida Radio Garoowe oo uu leeyahay madaxweynaha Puntland.
Ninkaas iyo maleeshiyo uu wato ayaa markii ay falkaas geysteen waxay u baxsadeen dhanka tuulada Sanujiif, halkaas oo laga soo qabtay.
Wararkii u dambeeyeeyna waxay sheegayaan in dhimashada hal qof iyo dhawac laba kale ay ciidamadii ku raadd-joogay LAADHUU ay u geysteen maleeshiyo ciidamada dagaal kula gashay tuulada Sanujiif.

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment