Friday, 18 May 2012

Dhageysiga Dacwadda Nin Soo Daabacay Passaborro Soomaali Been Abuur Ah Oo Saaka Ka Billaabatay Mombasa


Dhegaysiga Dacwad ka dhan ah nin  u dhashay Dalka Hindi loona haysto in uu  soo been Abuuray kumannaan copy  oo ah Passporka Soomaali ayaa saaka ka bilaabatay  Magaalo xeebeeda dalka Kenya ee Mombasa.
Muwaadinkan u dhashay Dalka India ayaa horay qandaraas  Passprort Samaynta ah kula jiray Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, laakiin markii dambe Dowladda Somaliya ayaa kala noqotay  ogolaanshihii Passport samaynta,  in kasta oo uu ka dhega adaygay  soona daabacay kumannaan  Passport Somali ah oo isugu jira noocyada Diplomasiyiinta,Shaqaalaha Dowladda iyo midka loogu  talo galay dadka  rayidka ah.
Danjiraha Soomaaliya ee Kenya  Mudane Mohamed Cali Nur Ameerico oo u waramayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dacwadda dib  loo dhigay ilaa bisha October ,wuxuuna safiirku ballan qaaday in aysan ka caajisayn daba galka  dacwaddan ilaa sharciga la marsiiyo ninka  soo been abuuray Passport Soomaaliga ah.
Safiirka ayaa intaas ku daray  in Dowladda Soomaaliyeed dalabkeedu yahay in konteenarka Passporo ka buuxaan oo yaala Dekadda Mombasa lagu soo wareejiyo ,
Dhinaca kale General Cabdullahi Gaafow Mohamud  oo ah taliyaha hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha  ayaa ballan qaaday in aysan ka harayn dacwaddan  ilaa ay meel ku hubsadaan konteenarka passporada ah.

garable.com

muxudin diini fiidow

Guddoomiyaha Baarlamanka Oo Kormeeray Xero Melateri Oo Ku Taala Duleedka Baydhabo”DAAWO SAWIRRADA”


Guddoomiyaha baarlamanka mudane Shariif Xasan Sheeekh Aadan ayaa maanta kormeeray xero meleteri oo ku taala magaalada Beydhabo taas oo uu tababar uga socdo in ka badan Kun Askari oo Soomaali ah.
Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan guddoomiyaha Baarkamanka ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyay wasiir ku xigeenka gaashaandhigga, wasiirudowlaha Maaliyadda, xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan ciidamada XDS.
Guddoomiyaha baarlamanka ayaa salaan ka qaatay ciidamada tababarka ugu socdo xeradaasi, wuxuuna warbixin ka dhageeystay taliyaha dugsigaasi kaas oo sheegay in ciidamada tababarka ku qaadanaya xeradan ay gaarayaan ilaa iyo Kun Askari waxa uuna intaasi ku daray in tababarkani uu socdo muddo bil ah.
Shariif Xasan ayaa ku amaanay ciidamadaasi sida ay u jecleeysteen in ay ka mid noqdan ciidamada XDS si ay dalkooda uga difaacaan cadowga ku soo duulay, wuxuuna kula dardaarmay in dowladu ay ku dadaali doonto sidii ay ciidamadaasi ugu dhameystiri laheyd xuquuqdooda.
















garable.com


muxudin diini fiidow

Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Oo Ka Hadashay Sababihii Ay Diyaaradda Turkish Airways Muqdisho Ugasoo Degi Weyday


Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay sababihii ay Diyaaradda Turkish Airways ugasoo degi weyday magaalada Muqdisho taasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay dadku siyaabo kala duwan u fasirayeen.
Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Xukuumadda Soomaaliya Eng Cali Maxamuud Ibraahim oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in sababaha keenay iney Diyaaradda Turkish Airways kasoo degi weydo maalintii Arbacada  iyo maanta oo Jimce ah ay ugu wacantahay xaga Hawada.
“Soomaalidu way iska warbadantahay ayaga oo aan hubsan ayey waxey doonaan iska sheegaan sida aad la socotaan diyaaradaha Aduunka waxey ku degaan Qalab ka saacida aragtida anagana qalabkaas ma isticmaalno waxaana diyaaradahu ay ku degaan Aragti,Dowladda Turkigana xeer uma ahan duulimaadyadooda iney diyaaradahooda ku degaan dabeyl ka badan 10 marka laga degayo dhanka ay dabeeshu kasoo dhaceyso maalmahaasina dabeesheena waxey aheyd 24”ayuu yiri Mudane Eng Cali Maxamuud Ibraahim.
Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in markii taasi ay timid ay u ogolaadeen diyaaradda iney kasoo degto dhanka kale oo aysan diyaaraduhu kasoo degin waxaase uu tilmaamay in taasi maamulka Shirkadda Turkish Airways ay ka biyo diideen ayaga oo adkeynaya xeerarkooda.
Ugu dambeyntii Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Mudane Eng Cali Maxamuud Ibraahim ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay warbaahinta qaarkood baahiyeen oo la xiriiray in duulimaadyada Turkish Airways hakadkooda uu la xiriiro culeys dhanka maamulka ay kala kulmeen waxaanna uu Umadda ku booriyey iney ka fogaadaan warxumo tashiilka.

garable.com

muxudin diini fiidow

Dowladda Mareykanka Oo Gaadiid Ugu Deeqday Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed”SAWIRRO


Dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay gaadiid kala duwan oo ay dowladda Mareykanka ugu deeqday Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya kadib munaasabad lagu qabtay magaalada muqdisho.
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gaadiid ciidan oo ay dowladda Mareykanka ugu deeqday Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed  kadib markii munaasabad lagu wareejinayay gaadiidkaasi iyo qalab kale lagu qabtay xarunta dugsiga tababarka xalane ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’isulwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen,Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Jerry rowlings, Taliyaha AMISOM, Adrew Guti,Taliye ku xigeenka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Abaanduulaha Ciidammada  Gen Dhegabadan iyo marti sharaf kale.
Taliyaha Ciidammada Amisom ayaa sheegay in gaadiidkan uu ka koobanyahay gaadiid loogu talagalay inay qaadaan ciidammada iyo sidoo klae dharka loogu talagalay ciidammada oo ay ku deeqday Dowladda Mareykanka.
Sidoo kale wafuula  wamunyiyi oo ah kuxigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo isna goobta hadal kooban ka jeediyey ayaa faah faahiyey deeqda ay Dowladda Mareykanku ugu talagashay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana uu xusay in tani qeyb ka tahay taageerrada ay Caalamku siinayaan Soomaaliya si dib u dhis iyo dib u qalabeynba loogu sameeyo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo isna hadal kooban ka jeediyey goobta ayaa uga mahad celiyey Dowladda Mareykanka taageerrada gaadiidka ah ee ay ku deeqeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana uu Ra’isulwasaare Kuxigeenku xusay in tani gacan weyn ka geysan doonto guul ka gaarista howlgallada ay Ciidammadu dalka ka wadaan.
Dhowaan ayey aheyd markii sidan oo kale ay Dowladda Japan deeq gaadiid ah iyo qalab kala duwan ku wareejisay Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed waxaana marba marka kasii dambeeya sii kordhaya Dowladaha Caalamka ee taageeraya Ciidammadeenna Qalabka Sida.











garable.com


muxudin diini fiidow

DAAWO SAWIRRADA:-Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo si heer sara ah loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho


Muqdisho, Jimco,May 18, 2012, ———- Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo maanta si heer sara ah loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Islaan Bashiir, ayaa waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle, Salaadiin, qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Xildhibaano, Ururada Haweenka iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.
Soo dhaweynta kadib Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, oo kamid ah Salaadiinta ugu caansan dalka kana mid ah Salaadiinta ugu magaca weyn Puntland ayaa Saxaafadda kula hadlay Garoonka, wuxuuna sheegay in imaatinkiisa ay tahay inuu ka qeybqaato hanaanka nabadeed ee Soomaaliya.
“Ugu horeyn waan idin salaamayaa dhamaan mas’uuliyiinta dowladda, Odoyaasha, Saxaafadda, Xildhibaanada, dhalinyaradda, Haweenka iyo inta kalaba sida wanaagsan oo aad ii soo dhaweyseen, Wuxuuna imaatanka yagu ku saleysan yahay inaan ka qeybqaadano dadaalada soconayo ee lagu doonayo in dowladd Soomaaliyeed la helo, Muqdishana waa caasimadeenii aad baan ugu faraxsanahay imaatinkeeda”.
Wuxuuna Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku suray geedka nabadda, Islamarkaana tilmaamay iney muhiim tahay in laga wada shaqeeyo hanaanka dowladdnimo ee hadda socda.
Ugu dambeyntii Islaan Bashiir, ayaa xusay inuu ka qeybqaadanayo isku xirka Umadda Soomaaliyeed iyo sameynta dowladd qaran oo looga baxo Kumeel Gaarka inaan xoojiyo maantana ay noqoto maalin midnimo, maalin Israax, Iscafin islamarkaana ee noqoto maalin aynu soo cesheno sumcadeenii iyo Sharaftii Soomaaliyeed.














garable.com


muxudin diini fiidow

DAAWO SAWIRRADA:-Damaashaadka Shacabka Ee Xeebta Liido Iyo Jimcaha






































































Muuqaalka Gaadiidka Ay Dadweynaha Xeebta Liido Kusoo Aadeen


garable.com

muxudin diini fiidow