Alessandro Del Piero ayaa qarka u saaran inuu ciyaaro kulankiisii ugu danbeeyay ee Juventus maalinta axada, markaasoo kooxda heysata horyaalka Serie A ay finalka Copa Italia kula ciyaari doonto Stadio Olimpico kooxda Napoli.
37 jirkaan kabtanka u ah Juventus ayaa halyeey ka ah Turin, isagoo dhaliyay 290 gool 704 kulan oo uu ciyaaray, lakiin madaxda kooxda ayaa heshiiska u cusbooneynsiin weysay, waxaana la filayaa in xilli ciyaareedka soo socda uu u dhaqaaqo Mareykanka.
In ka badan 19 sanadood, Del Piero waxa uu ku guuleystay lix Serie A, hal Copa Italia, hal Champions League iyo Intercontinental Cup, iyo sidoo kale 2006dii oo uu koob adduun la qaaday xulkiisa Italy.
Isla sannadkaas oo Azzurri loogu caleemo saaray koobka adduunka Berlin, waxa uu Serie B kula laabtay Juventus ka dib fadeexadii Calciopoli.
Si kastaba, waxa uu ka caawiyay inay ku soo laabtaan Serie A, iyagoo soo qaaday horyaalka Serie B.
Ka dib markii la bedelay qeybtii labaad ee ciyaarta, waxa ku soo wareegay garoonka isagoo horistaagayay taageerayaal badan oo ilmo ay ka qubaneyso, islamarkaana u sarre joogsaday halyeeygooda ay muddo badan ku arkayeen maaliyada Bianconeri.
“Waligeey ma aanan arkin wax sidaan oo kale ah. Aan dhahno taageerayaasha ayaa horyaal kale inoo qaaday” ayuu yiri Alex.
“Wixii maanta dhacay waxa ay ahaayeen wax aad u qurux badan, xiriirka naga dhaxeeya dadkaan waxa uu noqday mid gudbay xuduud kasta”
Hadii Juventus ay
axada guuleysato waxa ay noqon doontaa markii 10aad oo ay qaadaan Coppa Italia, islamarkaana markoodii 3aad oo ay isku qaadaan Serie A iyo Coppa Italia.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment