Sida ay shaaciyeen warbaahinyta dalkaasi Ingiriiska Ayaan Cabdulle oo 40 sano jir ah oo xabsiga ku jirta hada ayaa waxay horey u degeneyd dalkaasi Sweden gaar ahaana magaalada Gothenburg halkaas oo ay ku nooleyd ayna heysatey dhalashada dalka Sweden, haweeneydaan oo tagtey sanadkii 1994 dalkaasi Sweden ayaa waxay joogtay dalkaasi Sweden ilaa iyo bishii juun ee sanadkii 2003 markaas oo ay u soo wareegtay dalkaasi Ingiriiska, Laakiin haweeneydaasi ayaa markay timid dalkaasi Ingiriiska iyada oo ay weheliyaan 5 caruurteeda ah iyo ninkeeda Raghe Adan, waxay isku dhiibtay magaca kale ee ah Amina Cali Muse iyadoona sheegtay inay ka soo carartay dagaalada magaalada Mugdisho islamarkaana ay kooxo hubeysan ay bishii Disembar 1 sanadkii 1998 ay soo weerareen gurigooda ayna halkaasi ku dileen walaalaheed, sidoo kalana ay halkaasi ku xoogeen ama ay ku kufsadeen ragaasi iyadoo waliba xiligaas lahayd uur 3 bilood ah halkaasna ay ilmihii kaga soo dhaceen ama ay kaga dhinteen. Haweeneydaan ayaa baariteenkeedu waxaa uu yimid ka tib markii qolooyinka qaabilsan arimaha qaxootigu ay heleen teleefoon uu u soo direy qof is qariyey oo u sheegay inay haweeneydaasi aysan waxba ka jirin waxa ay sheegeyso oo ayna tahay qof ku noolaan jirey oo walina degan dalkaas Sweden taas oo keentay ina baaritaan qoto dheer lagu sameeyo haweeneydaas islamarkaana la ogaado beentay iyo isdaba marinta haweeneydaas ay sameysay.
Ugu dambeyntiina iyadoo haweeneydaan arinteeda ay iska kaashadeen labada dowladood ee Sweden iyo Ingiriiska oo si aad iyo aad ahna u baaray kiiskeeda si loo ogaado xaqiiq ahaanshahiisa, ayaa Haweeneydaan oo sida la sheegay intii u dhaxaysay june 2003 ilaa May 2010 oo ay ku nooleyd Neasden, North-West London, inay qaadatay lacag ah ceyr ah oo gaareysay ilaa iyo £261,358.14 iyadoo sida la sheegayna ay haweeneydaasi ay codsatay dhamaan wax alla wixii ceyr ah oo ay islahayd xaq ayaad u yeelan kartaa, Sidoo kale ayey haweeneydaasi ay dalkaas Sweden ay ka qaadaneysay ceyrteeda.. haweeneydaan oo aan wax jixin jix ah ka muujin falkeedaas ama aan ka xumaan waxa ay sameysay ayaa lagu xukumay oo soo qaadan doonto xabsi gaarayo ilaa iyo 4 sano iyo bar sida uu sheegayna xeer ilaaliyaha kiiskaas Stephen Holt oo sidoo kalena sheegay inay haweeneydaan u shaqeysay si xirfadeysan oo la yaab leh, Waxyaabaha ka yaabiyey dadkii baaritaanka kiiskaan sameeyey ayaa waxaa ka mid ahaa in waqtiga ay sheegatay haweeneydaas in lagu kufsaday dalka Soomaaliya ay xilligaas ku umushay gabar ka mid ah caruurteeda isbitaal ku yaala dalka Sweden arintaas oo ay ku tilmaamen wax lagu xumaad baadorayaasha kiiskaas.
garable,com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment