Mas’uulkaani oo lagu magacaabo Magdi oo u dhashay dalka Masar, hase ahaatee haysta dhalashada waddanka Maraykanka oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta SKA ayaa la sheegay in maanta uu lacago uu kala goostay kaasi u suuro gashay in uu ka dhoofo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo aan la’ogayn cadada rasmiga ah oo ay la egtahay lacagtaasi.
Markii uu ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda KMG ah u yimid Mas’uul ka tirsan Shirkadda SKA oo lagu magacaabo Tooni, wuxuuna Waaxda uu ka dalbaday in lagu gacan siiyo soo qabashada ninkaasi oo loostay lacago ay laheyd shirkaddaasi.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Mas’uulkaani oo lagu magacaabo Magdi ee lacagaha kala goostay Shirkadda SKA markii uu tagay dalka Kenya gacanta lagu dhigay, inkastoo aan si rasmi ah aan loo xaqiijin warkaasi, hase ahaatee majiro wax war ah oo kasoo baxay Mas’uuliyiinta shirkaddaasi oo ku aaddan lacagtaani.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment