Waxaa la sheegay wafdiga inay halkaas u tageen inay ka qeyb galaan shir lagu wado inay halkaasi ku yeeshaan Saxiixayaasha tubta nabadda ee Roadmap-ka.
Sidoo kale warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan Madaxweyne Caalin iyo wafdiigiisa inta Shirka la gaarin ka hor in ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta dalkaasi iyagoo kala hadli doona sida la sheegay arrimo ku aadan qilaafka masuuliyiinta maamulka Galmudug xilligaan ka dhex jira.
Waxaa wararka ay inta ku darayaan in Madaxweynaha Galmudug uu Ethiopia kala hadli doonaan arrimo ku aadan siddii loo dhisi lahaa Ciidamo ka mid noqonaya maamulka uu iminka Madaxweynaha ka yahay.
Tagista Madaxweyne Caalin ee Dalka Ethiopia ayaa waxay ku soo began tahay xilli uu qilaaf ka dhex jiro barlamaanka maamulkaasi kaa oo ku aadan mudada uu xilka haynayo Maxamed Axmed Caalin.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment