Friday, 18 May 2012

SHIRKADDA HORN PETROLEUM OO JOOJISAY HOWLIHII SHIDAAL QODISTA EE AY KA WADAY DOOXDA



Shirkadda Horn Petroleum oo ka mid ah shirkadaha shidaalka qodista ka wada deegannada Puntland ayaa joojisay howlihii ay ka waday dooxda Dharoor.

War lagu qoray wakaaladda warar Reuters ayaa lagu sheegay in shirkadda Horn Petroleum ay joojisay shidaal qodistii ay ka waday dooxda Dharoor ee gobolka Bari kaddib markii raggii ku howlanaa howsha uu qoday 38,00 oo meters, taas oo keentay in wax shidaal ah oo gancsi galaya aan laga heli karin.

Warsaxaafadeed ay soo saartay hay'adda khamiistii ayaa sheegtay in shidaal ama gaas ganacsi galaya inaan la heli karin.

Saamiyaddii shirkadda Horn Petroleum ayaa khamiistii aad ugu kacay seyladaha ay ku deedahay Toronto ee dalka Canada.

Shirkadda ayaa sheegtay in shidaalkii laga qodaayay Ceelka Shabeel u wareegtay mid kale oo ku dhow waqooyiga dooxada Dharoor.

Shirkadda ayaa howshan 60% ku leh howsha ay ka wado deegannada Puntland gaar ahaan dooxada Daroor iyo gobolka Nugaal oo ah meelaha hadda shidaalka laga qodaayo.

Shirkada Africa Oil ayaa shidaal qodis ka bilowday deegannada Puntland bishii January ee Sanadkan, waana markii ugu horreysay ee dalka dagaallada ay la dageen bariga Africa ku yaala 20-kii sano ee la soo dhaafay shidaal laga qodo.

Horn Petroleum iyo shirkado kale oo ku wehliya shidaal qodista dooxda Dharoor iyo Nugaal kuwaas oo ay mid yihiin Australia’s Range Resources Ltd iyo Red Emperor oo howasha wada.

Saamiyadda shidaalka Africa ayaa hoos u dhacay 8% taas oo ka dhigan in qiimaha la kala siisto Seyladaha Toronto uu ka gaaray qiimo $6.70 hadal heenta badan waxaa loomaleenaa in oo biyo yahay

garable.com

muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment