Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu ka dhabeeyay inaysan u joojin doonin Madaxweyne Faroole, tallaabada uu uga soo horjeestay Dastuurka Qabyo Qoraalka.
Madaxweyne Faroole oo Dastuurka qaadacay qodobo badan oo ku jira, ayaa waxaa la-sheegay in Odayaashii Dhaqanka ee Magaalada Muqdisho uu u soo diray, ay intoodu badan ka soo jeedaan goobaha ay beeshiisu degto, sida ay reer Puntland intoodu badan qabaan.
Xilli Isimadii uu Madaxweyne Faroole u soo diray Shirka Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Muqdisho uga soconaaya ay dib ugu soo laabteen Magaalada Garoowe, ayaa waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax.
Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa wuxuu ka mid yahay Odayaasha Dhaqanka ee Soomaalida kuwooda sida weyn leh loo-tex gelliyo, isla-markaana wuxuu sheegay in uu Magaalada Muqdisho uu u yimid, sidii lagu dardar gelin lahaa Geeddi Socodka.
Isagoo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in mid lagama maarmaan ah ay tahay in la-raadiyo xalka dalka Soomaaliya, isla-markaana wuxuu tilmaamay in uu u soo tafa-xeetay ka qeyb qaadashada nabadda Somaliya.
Wuxuu xusay in wixii xilligaan ka dambeeyaahi aan loo-baahneyn in gacmaha laga laabto xaaladda uu ku jiro dalka, loona baahan yahay sida uu yiri sidii nabad iyo kala dambeyn lagu helli lahaa, ayna xilligaan taasi u diyaar yihiin.
Islaan Bashiir ayaa wuxuu maanta uu Magaalada Muqdisho uu ku tallaalay Geedkii Nabadda, isagoona Alle ka rajeeyay in uu u rumeeyo in dalka Soomaaliya uu ka curto nabad iyo kala dambeyn, ayna Soomaali israacdo.
Dadka odoroso siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa waxay qabaan dareen ku aadan khilaafaadka xilligaan soo baxaaya ee u dhaxeeya Dowladda iyo Maamulka Puntland, hadana dadkaasi waxay Dr Faroole ay ku sifeeyeen, in uu doonaayo in uu u talliyo Madaxda Dowladda, uuna hogaanka u qabto amaba ay raacaan waxa uu u soo jeediyo.
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:
Post a Comment