Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Xukuumadda Soomaaliya Eng Cali Maxamuud Ibraahim oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in sababaha keenay iney Diyaaradda Turkish Airways kasoo degi weydo maalintii Arbacada iyo maanta oo Jimce ah ay ugu wacantahay xaga Hawada.
“Soomaalidu way iska warbadantahay ayaga oo aan hubsan ayey waxey doonaan iska sheegaan sida aad la socotaan diyaaradaha Aduunka waxey ku degaan Qalab ka saacida aragtida anagana qalabkaas ma isticmaalno waxaana diyaaradahu ay ku degaan Aragti,Dowladda Turkigana xeer uma ahan duulimaadyadooda iney diyaaradahooda ku degaan dabeyl ka badan 10 marka laga degayo dhanka ay dabeeshu kasoo dhaceyso maalmahaasina dabeesheena waxey aheyd 24”ayuu yiri Mudane Eng Cali Maxamuud Ibraahim.
Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in markii taasi ay timid ay u ogolaadeen diyaaradda iney kasoo degto dhanka kale oo aysan diyaaraduhu kasoo degin waxaase uu tilmaamay in taasi maamulka Shirkadda Turkish Airways ay ka biyo diideen ayaga oo adkeynaya xeerarkooda.
Ugu dambeyntii Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Mudane Eng Cali Maxamuud Ibraahim ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay warbaahinta qaarkood baahiyeen oo la xiriiray in duulimaadyada Turkish Airways hakadkooda uu la xiriiro culeys dhanka maamulka ay kala kulmeen waxaanna uu Umadda ku booriyey iney ka fogaadaan warxumo tashiilka.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment