Friday, 18 May 2012

Rabshado ka socda magaalada Hargeysa oo la xiriira Xukunka dilka lagu xukumay 17-qof

Waxaa xalay iyo saaka magaalada Hargeysa ka socday rabshado ay sameynayaan dadweyne badan kuwaas oo kasoo horjeeda xukun adag ay shalay riday maxkamada Milateriga ee Somaliland. Dadka ayaa sheegaaya in ay diidan yihin xukunka dilka toogashada lagu xukumay ilaa 17-qof oo rayid ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerar ku qaadeen xero milateri oo ku yaalla Hargeysa talaadadii lasoo dhaafay. Wararka aan ka helayno Hargeysa ayaa sheegaaya in dadka ku dhaqan xaafadda Bariga magaalada ay xireen wadooyin isla markaana gubayaan taayiro. Booliska ayaa ku guuleystay saaka in ay kala kaxeeyaan dadka dhigayay banaan baxa iyadoo Salaadiin ay gacan ka geysteen. Qareen lagu magacaabo Maxamed Carab ayaa sharci ku tilmaamay go’aanka maxkamada isagoo sheegay in dadka falka sameeyay ay hubeysnaayeen oo lagu qaadayo xeerka Ciidanka. Dad badan ayaa ka naxay xukunka adag ay riday maxkamadu iyadoo ay noqotay markii u horeysay oo ka dhaca degaanada Somaliland.

garable.com

muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment