Taliyaha ciidamada Itoobiyaanka ee Bay iyo Bakool oo sheegay inay si deg deg ah Al-Shabaab uga saari doonaana Bay iyo Bakool.
Sarkaalka ugu sareysa Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolada Bay iyo Bakool ayaa shaaciyay inay degdeg kaga saari doonaan gabi ahaanba Degmooyinka Bay iyo Bakool Dagaalyahanada Islaamiyiint ah ee Alshabaab.
Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee gobolada Bay iyo Bakool Jeneral John ayaa wariyayaasha kula hadlay Magaalada baydhabo waxaana uu sheegay in ciidamadoodu ay qaadayaan talaabooyin ay bay iyo bakool kaga saarayaan dagaalyahanada alshabaab islamarkaana aysan ka bixi doonin koonfurta Soomaaliya ilaa iyo inta ay talaabadaasi ka qaadayaan.
"Degdeg ayaan uga saari doonaa alshabaab degmooyinka bay iyo bakool ee ay ku harsan yihiin dhanka kale guud ahaan koonfurta Soomaaliya sidaas oo kale ayaan uga saari doonaa mana baxeyno ilaa aan ka dhabeyno"ayuu yiri Taliyaha ciidamada Itoobiyaanka ee Bay iyo Bakool.
Taliyaha ayaa soo hadal qaaday heshiis dhawaan ay adis ababa ku galeen iyaga iyo madaxda Midowga Afrika kaasoo dhigayay in itoobiyaanku soomaaliya ka bixin ilaa iyo inta ay askarta amisom kaga wareejinayaan meelaha ay gacanta ku hayaan.
Taliyaha waxaa kale uu daboolka ka qaaday in Magaalada Kismaayo xitaa ay weerar ku qabsan karaan hadii loo ogolaado inay qabtaan islamarkaana ay ka saari doonaan Al-Shabaab
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment