Dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay gaadiid kala duwan oo ay dowladda Mareykanka ugu deeqday Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya kadib munaasabad lagu qabtay magaalada muqdisho.
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gaadiid ciidan oo ay dowladda Mareykanka ugu deeqday Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed kadib markii munaasabad lagu wareejinayay gaadiidkaasi iyo qalab kale lagu qabtay xarunta dugsiga tababarka xalane ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’isulwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen,Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Jerry rowlings, Taliyaha AMISOM, Adrew Guti,Taliye ku xigeenka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Abaanduulaha Ciidammada Gen Dhegabadan iyo marti sharaf kale.
Taliyaha Ciidammada Amisom ayaa sheegay in gaadiidkan uu ka koobanyahay gaadiid loogu talagalay inay qaadaan ciidammada iyo sidoo klae dharka loogu talagalay ciidammada oo ay ku deeqday Dowladda Mareykanka.
Sidoo kale wafuula wamunyiyi oo ah kuxigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo isna goobta hadal kooban ka jeediyey ayaa faah faahiyey deeqda ay Dowladda Mareykanku ugu talagashay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana uu xusay in tani qeyb ka tahay taageerrada ay Caalamku siinayaan Soomaaliya si dib u dhis iyo dib u qalabeynba loogu sameeyo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo isna hadal kooban ka jeediyey goobta ayaa uga mahad celiyey Dowladda Mareykanka taageerrada gaadiidka ah ee ay ku deeqeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana uu Ra’isulwasaare Kuxigeenku xusay in tani gacan weyn ka geysan doonto guul ka gaarista howlgallada ay Ciidammadu dalka ka wadaan.
Dhowaan ayey aheyd markii sidan oo kale ay Dowladda Japan deeq gaadiid ah iyo qalab kala duwan ku wareejisay Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed waxaana marba marka kasii dambeeya sii kordhaya Dowladaha Caalamka ee taageeraya Ciidammadeenna Qalabka Sida.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment