Friday, 18 May 2012

Maamulka Khaatumo oo garoon diyaaradeed ka sameeyay degmada Talee

Maamul goboleedka Khaatumo ayaa ku guuleystay in garoon diyaaradeed ka sameeyaan degmada Taleex ee gobolka Sool halkaas oo lagu dhisay maamulka horaanti sanadkaan.
Masuuliyin ka tirsan maamulka ayaa shalay gabaldhici xarigga ka jaray garoonka oo ku yaalla duleedka magaalada,waxaana kusoo degi kara diyaaradaha.
Garoonka diyaaradaha ayaa sameyntiisa qaadatay mudo ku dhow saddex bilood,waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay shalay galab xariga laga jaro.
Masuuliyinta Khaatumo ayaa markii ay doonayaan in ay u dhoofaan dalka dibadiisa ama qaybo kamid ah dalka sida Muqdisho ay markii hore aadayaan magaalada Gaalkacyo ama Addis Ababa si ay diyaarad uga raacaan.
Hase ahaate iminka waxay samaysteen garoomo diyaaradeed ay ka dhoofi karaan kuna soo degi karaan.
garable.com

No comments:

Post a Comment