Friday, 18 May 2012

GAADIIDLEEYDA MUQDISHO OO TILAABO WANAAGSAN KU TILMAAMAY DIB U DHISKA LAGU SAMEEYNAYO WADOOYINKA



Gaadiidleyda ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa maanta soo dhaweeyey howlaha lagu dayac tirayo Waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho.

Darawalada kexeeya gaadiidka BL-ka ah ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa waxay si aad u soo dhaweeyeen dayactirka Maamulka gobolka Banaadir uu ka wado qeybo ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah daralada kexeeya gaadiidka BL-ka ee ka shaqeema Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan Dayactirka maamulka Gobolka Banaadir uu ka wado qeybo ka mid ah waddoonka Muqdisho ayna ka qeyb qaadanayaan inta karaankooda ah.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan waxa uu bilaabay howlo lagu soo celinayo bilicdii Magaalada Muqdisho iyo dayac tirka qaar ka mid ah waddooyinka waaweyn ee Muqdisho.

Dhanka kale shalay ayey ahayd markii iskaashatada Gaadiidleyda gobolka Banaadir ay ugu baaqeen darawallada kexeeya gaadiidka ka howlgala Muqdisho inay si fudud ku bixiyaan lacagaha soostada ama canshuraha ee la doonayo in lagu dayactiro waddooyinka Magaalada Muqdisho

garable.com

muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment