Ilo lagu kalsoon yahay oo ay Shabelle ka heshay Odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya shirka looga hadlayo arrimaha Dastuurka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Odayaasha dhaqanka lagu wado inay gaaraan Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in shirka ka soconaya Magaalada Muqdisho la hakiyay kaddib markii Odayaasha dhaqanka uu kusoo wargaliyay Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Cazuumaad uu u fidiyay Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Rajeb Dayib Ordugan.
Odayaasha dhaqanka ayaa lagu wadaa in 24-ka bishaan ay ka amba baxaan Magaalada Muqdisho, iyagoo gaaraya dalka Turkiga, waxaana la sheegay in halkaasi ay ku maqnaan doonaan mid 10-Casho ah.
Odayaasha dhaqanka ayaa la sheegay inay soo jeediyeen Aqooyahannada iyo Culumaa’udiinka in loo dhiibo Dastuurka muddo bil ah si ay ugu sameeyaan Daraasaad la xiriira qodobada ku qaran qabyo qoraalka Dastuurka, waxaana wararku ay sheegayaan in dhamaan la hakiyay qorshaha dib u eegista loogu sameynayay qabyo qoraalka Dastuurka Soomaaliya.
Dhinaca kale Saxiixayaasha Roadmap-ka ee kala ah Madaxweynaha dowladda KMG ah, gudoomiyaha barlamanka, Ra’iisul wasaare Gaas, Madaxda Maamulada Ahlu Sunna, Galmudug iyo Puntland ayaa waxa lagu wadaa sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay inay gaaraan Magaalada Addis’Ababa ee Xarunta waddanka Ethiopia.
Sababta ka dambeysa arrintaani ayaa lagu sheegay kaddib dalab ka yimid Madaxweynaha Maamulka Puntland kaasi oo ku qotoma in Saxiixayaasha Roadmap-ka dalka Ethiopia si looga hadlo arrimo la xiriira Dastuurka qabyo qoraalka.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment