Kulan ay yeesheen odayaal waxgarad iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Jubooyinka ayaa waxa ay kaga hadleen shirka ka soconaya Magaalada Muqdisho kaas oo la doonayo in lagu ansixiyo dastuurka qabya qoraalka.
Nabadoon Faarax Ugaas Cumar oo kulanka kadib saxaafadda la hadalay ayaa waxa uu sheegay in loobahanyahay in si deg dega ah looga soo saaro ergada uga qayb galeysa beelaha dega gobolada Jubooyinka, isagoo tilmaamay in aaney matalin beelahaasi sida uu hadalka u dhigay.
Nabadoonka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ergada uga qayb galeysa shirka ka soconaya magaalada Muqdisho ay xiisad ka abuurtay beelaha dega gobolada Jubooyinka, waxaana uu sheegay in hadda uu xiranyahay garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow uuna u xiranyahay khilaafad la xiriira arinta ergada uga qayb galeysa shirkaasi.
Mudooyinkii dambe ayaa waxaa isasoo tarayay cabashada kasoo yeereysa odayaasha iyo wax garadka beelaha Soomaliyeed ee ay kaga cabanayaan ergada uga qayb galeysa shirka lagu ansixinayo dastuurka ee ka soconaya Magaalada Muqdisho
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment