Thursday, 17 May 2012

Saxiixayaasha Road-Mapka oo dhowaan uu shir uga furmayo magaalada Addis ababa

Saxiixayaasha heshiiska Road-mapka ayaa lagu wadaa in dhowaan ay ku shiraan magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya iyagoo ka wadahadli doona arrimo ku saabsan sidii loo dhamaystiri lahaa marxalada kala guurka ah.

Madaxweyne Shiikh Shariif oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay dhowaan magaalada New York ayaa sheegay in uu u tagayo magaalada Addis ababa sidii uu ugaga qeybgali lahaa shirka. Sidoo kale Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in uu ugaga sii gudbo dalka Itoobiya.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/maan Faroole ayaa waxa uu haatan ku sugan yahay dalka Itoobiya isagoo doonaya in uu ka qeybgalo shirkan .
Sidoo kale madaxda ururka Ahlu Sunna iyo maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeybgali doona shirkan.

Waxaana sida ay sheegayaan qubarada u dhuundaloola arrimaha Soomaaliya shirkan uu yahay mid xasaasi ah maadaama ay haatan soo dhowaatay dhamaanshaha waqtigii ay ku shaqeyn lahayd dowlada federalka ah isla markaana hore dhowr jeer ay ugu celceliyeen Qaramada Midoobay iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya in aan laga yeeli doonin DKG in waqti kordhin loo sameeyo.

Hase yeeshee marka la fiiriyo iyadoo aan dastuurki weli lagu heshiin iyo iyadoo aan la gaarin sidii lagu soo xuli lahaa xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa ay tahay mid aad u adag sidii arrimahan loogu soo dhamaystiri lahaa waqtiga loo qorsheeyey.

Arrimaha ka gudbida xilligan ayaa waxaa sii adkeynaya iyadoo xubnihii ka socday Puntland ee shirka oday-dhaqameedyada ay ka ambabaxeen magaalada Muqdisho iyadoo ay muuqato inaysan la dhacsanayn habka ay wax u socdaan.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in uu isku haleynayay R/wasaare Cabdiweli iyo wasiirka dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil oo labaduba ka soo jeeda beelaha dega Puntland balse ay ka qancin waayeen dastuurka cusub qodobo ka mid ah. Maamulka Puntland ayaa waxa uu aaminsan yahay in uusan dastuurkuku cadeyn qaabka awood qeybsiga dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Waxaana ay ku soo beegantay in maamulka Puntland hadal ka keeno dastuurka gaar ahaan dhinaca qeybsiga dhaqaalaha mar ay soo shaac bixiyeen shirkadaha ka qodaya saliida deegaano ka tirsan Puntand in ay rajo weyn ka qabaan in laga helo shidaal ceelasha ay qodayaan.




garable.com


muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment