Xibiga Dadka oo ku baaqay in aan laga hor imaan qabyo qoraalka Dastuurka
May 17, 2012 Comments OffPro. Saciid Ciise Maxamuud waxa uu tilmaamay in dastuurku uu abuuray kala fogaansho badan oo ay dadka Soomaalidu muujiyeen waxana isaga oo ka duulaya arimahaasi uu sicad u taageeray dastuurka muranka badan dhaliyay isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed aan loo baahneeyn in ay abuuraan colaad maadaama wadanka Soomaaliyeed uu marayo xili adag oo shacabku ay ka dagaaleen dhibaatooyin farabadan oo ka jira wadan.
Gudoomiyaha Xisbiga dadka waxa uu sheegay in aysan caalamka ka jirin dowlad aan lahayan dastuur sidaasi darteedna ay xiligaan lagama maaramaan tahay in la ansixiyo dastuurka si looga gudbo dib u dhaca iyo dhibaatooyin badan oo jira.
Sidoo kale Saciid Ciise Maxamuud ayaa tibaaxay in aysan suuragal ahayn in hakad lagaliyo dadaalada beesha caalamka ay wado ee ku aadan nabadeeynta Soomaaliya waxana uu ka digay in aan wadanka loogacan galilin kooxo qabaa’ilo ah oo aan doonaynin maslaxad waarta oo ka dhalata Soomaaliya.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment