Tababaraha cusub ee xulka England Roy Hodgson ayaa u magacaabay kabtanka xulka u hor kaci doona koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012 ciyaaryahan Steven Gerrard.Scott Parker ayaa ka mid ahaa laacibin badan oo loo saadaalinayey, laakin Hodgson ayaa sheegay in laacibka qadka dhexe ee kooxda Liverpool Gerrard uu u qalmo inuu gacanta ku xirto milifka yar.Gerrard wali muusan hor boodin xulkiisa tan iyo 7-di Sebtember 2010 markaas oo uu noqday kabtanka ciyaar ay Ingiriiska 3-1 ku garaaceem Switzerland oo ka tirsaneyd is reeb reebka Qaramada Yurub.Daafaca kooxda Chelsea John Terry, oo haatan ka mid ah ciyaartooyda uu xulka kusoo daray Hodgson ayaa horay looga xayuubiyey xilkaan bishii February kadib marki uu jinsigiisa ku caayey laacibka kooxda QPR Anton Ferdinand.
garable.com
muxudin diini fiidow
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment