Maxkamad ku taalla magaalada Hargeisa ayaa waxaa ay maanta xukun dil ah ku xukuntay 17 qof, halka shan qof oo kalena lagu xukumay xabsi daa’in.
Maxkamada ciidanka Militariga ee maamulka Somaliland ayaa maanta 17 qof ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo 5 qof oo kale ay ku xukuntay xabsi daa’in, kuwaasi oo lagu soo eedeeyey in ay weerar la beegsadeen saldhiga ciidanka Militariga Somaliland ee ku taala gudaha magaalad Hargeysa.
Xukunkan oo dhacay kadib markii dadkii shalay loo soo qabqabtay iska hor’imaadkii Hargeysa ku dhexmaray ciidanka iyo shacab careysnaa, iyadoo ay dadkaasi lasoo qabtay ay ku jiraan 8 qof oo dhaawac ah.
Magalada Hargeysa ayaa si weyn looga xumaaday xukunka lagu riday dadkan loo qabqabtay isku dhicii shalay, waxaana dadka qaar ay ku tilmaameen go’aan sal fudeed ku yimid oo aan si fiican looga fiirsan.
Dadka u dooda xuquuqda bini’aadamka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay xukunka ay maxkamad ciidan ku fulisay dad shacab ah, iyadoo tan iyo markii maamulka Somaliland la dhisay ay midan noqoneysa tii ugu horeysay.
Xukunkan oo hadda ah mid cusub ayaa haddii ay ku sii adgeysaan maamulka Somai liland waxaa dhici karta in uu yimaado iska hor’imaad dhexmara shacabka iyo ciidanka, waxaana iminka bilowday wada hadal u dhexeeya madaxda iyo odayaasha dhaqanka ee magaalada Hargeysa.
garable.com
muxudin diin fiidow
No comments:
Post a Comment