Thursday, 17 May 2012

Faroole oo ka warbixiyay sababihii ergada Puntland ay uga baxeen shirka Muqdisho

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in ergadii ka socotay Puntland ay ka baxaan shirka lagu ansixinayo qabyo qoraalka Dastuurka ee ka soconaya Magaalada Muqdisho.
C/raxmaan sheikh Max’ed Faroole madaxweynaha maamulka Puntland oo wareysi gaar ah siinayay laanta Af soomaaliga ee BBC-da isagoo kusugan dalka Hindiya ayaa faah faahin dheeraad ah waxa uu ka bixiyay sababta ka dambeysay in ergadii Puntland uga qeyb galeysay shirka odayaasha dhaqanka uga soconaya Magaalada Muqdisho ay isaga huleelaan, waxaana uu xusay in Puntland shirkaasi aysan ka helin waxyaabo badan oo ay ka filayeen.
Madaxweyne Faroole oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in shirkaasi xiligaani uusan aheeyn mid dan u ah umadda iyo shacabka Soomaaliyeed ee kusugan good ahaamba Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in masuuliyadaasi ay leedahay xukuumada KMG Soomaaliya
“ waxaan sugeyney in kaalinta qodolada TFG-da ay ka soo baxaan oo aheeyd in Dastuur Federaal ah oo lagu yaqiinay wax qeybsiga in ay keenaan iyagoo ka dhega adeegay dhowr jeer gudiyada ka shaqeynaya in aan dad ku yeelano, hase ahaatee isku haleynteenu waxa ay aheeyd wasiirka Dastuurka ayaa reer Puntland ah R/wasaaruhuna meesha waa uu joogay, qoraalo badana waan ka sameyney” ayuu yiri Faroole.
C/raxmaan Faroole waxa uu sheegay in ay arkeen in Dasruurka aysan ku xusneyn waxyaabo badan oo ka mid ah sida loo qeybsanayo awoodaha dhinaca maamul goboleedyada, Siyaasada, dhaqaalaha iyo xagga adeega howlaha dowladda taasi oo uu ku sababeeyay in ay qeyb ka tahay sababta ay Puntland u diiday Dastuurka shirkana ergadooda ay uga qeyb galaan.
Hadalka Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan sheikh Max’ed Faroole ayaa imaanaya xili maalin ka hor odayaashii Puntland uga qeyb galayay shirkii ka socda Magaalada Muqdisho ay isaga baxeen kadib markii ay sheegeen in ay ku qanci waayeen habka loo wado ansixinta qabyo qoraalka iyo qodobada ku jira Dastuurka Cusub.


garable.com

No comments:

Post a Comment