Thursday, 17 May 2012

Tartan Aqooneed U Dhaxeeyay Duugsiyada Muqdisho Oo La Soo Gebagebeeyay

Tartan kor loogu qaaday aqoonta Ardayda wax ka barata dugsiyada magaalada Muqdisha ayna ka qeybgaleen illa 10 iskuul ayaa maanta lagu soo gabagabeeayay Magaalada Muqdisho.
Tartankani oo uu soo qaban qaabiyay Ururka la magacbaxaty KANAVA Ayaa waxaa ka qeyb galay illaa 10 Iskuul oo ka Furan Magaalada Muqdisha iyadoo ujeedka kulankana uu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa Aqoonta Ardayda Soomaaliyaad.
Tartanka oo Socday muddo 6 todobaad ah ayaa waxaa isugu soo Haray laba iskul oo lagu kala magacabo Al Xikma Iyo Al Fajri waxaana ugu dambeeyn guusha qaaday dugsiga Alfajri, iyadoo halkaasina Abaalmarinno lagu guddoonsiiyay iskuullada kala galay kaalimaha Koowaad iyo Labaad.
Liibaan Maaxamed Macalim oo ka mid ah mas’uuliyiinta hayadda tartanka soo qaban qaabisay ayaa ka hadlay ujeedada tartankan loo qabtay isagoo sheegay in muhiimaddu ay tahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta ardayda.
Tartankan ayaa ku soo Aaday iyadoo duqgsiyada waxbarashada  ee ku yaala gobalka banaadir ay ka soo kabanayaan saameeyntii ay ku yeesheen dagaalladii akooxda Shabaab ay ka hurinayeen magaalada Muqdisho

garable.com

muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment