Thursday, 17 May 2012

Khilaaf soo kala dhex galay barlamanka maamulka Galmudug

Khilaaf xoogan oo salka ku haya xiliga uu ku egyahay xilka madaxweyhana Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa soo kala dhax galay barlamanka maamulkaasi.
Waxaa xilgani soo baxaya khilaaf xoogan oo u dhaxeeya gudoomiyaha barlamanka maamulka Galmudug Xasan Maxamuud iyo ku xigeynkiisa kaasi oo ku aadan xilliga ay ku egtahay jagada madaxmeynaha maamulkaasi Maxamed Axmed Caalin.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha barlamanka Galmudug Cuuke Xaaji C/raxmaan oo la hadlayay qaar ka tirsan warbaahinta ayaa sheegay in mudada madaxtinimada Galmudug ee uu heynayo Maxamed Axmed Caalin ay ku egtahay 2013-ka isagoo ka digay in doorashada laga soo hormariyo waqtigeeda waxana uu intaasi sii raaciyay in hadii doorasha waqtigeeda laga soo hormariyo ay ka dhalan karto khilaaf hor leh oo soo kala dhaxgala labada gole ee maamulkaasi.
Dhinaca kale gudoomiyaha barlamanka maamulka Galmudug Xasan Maxamuud oo isna Saxaafadda kula hadlayay magaalada Galkacyo ayaa waxa uu sheegay in xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Axmed Caalin uu waqtigeedu ku egyahay 1-da bisha August islamarkaana aan waxba lagu darsan karin waxana uu xusay in ay haayaan cadeeymo muujinaya in xilka Caalin uu ku egyahay taariikhda kor lagu soo xusay.
Marka laga soo tago hadalka ka soo yeeray gudoomiyaha barlamanka Galmudug iyo ku xigeenkiisa ayaa warar hoose oo ay Idaacadda Shebelle ee magaalada Muqdisho ay heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Caalin iyo Gudoomiyaha barlamanka Galmudug ay isku khilaafeen magacaabista gudiga qabanqaabada doorashada maamulkaasi, madaama uu madaxweyanaha Galmudug uu ku adkeeysanayo in ay u hartay mudo 9-bilood ah. 
Lamo oga sida uu xaalku noqondoono madaama xiligaani uu soo ifbaxay khilaaf soo kala dhaxgay barlamanka Maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

garable.com

muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment