June ee food nagu soo heysa, ayaa Caasimada Istanbul ee dalka Turkiga loogu ballansan yahay in lagu qabto shir aad u ballaaran oo arimaha wadanka Soomaaliya looga hadlayo ayaa haddana waxaa soo baxaya walaac beesha caalamka ka muujineyso natiijada laga fili karo shirarka Soomaalida ee hadda ka socda gudaha dalka. Wararka ayaa sheegaya in ajendaha shirka Istanbul ayaa ah in lagu taageero natiijada ka soo bixi doonta kulamada haatan ka socda Muqdisho, gaar ahaan haddii Soomaalida isku waafaqdo dhameynta marxalada KMG-da, loona gudbo dastuurka cusub iyo baarlamaan cusub oo kadib la doorto Gudoomiye Barlamaan iyo Madaxweyne, isla markaasna soo magacaaba xukuumad cusub oo aan KMG aheyn, Waxaana shirka Turkiga uu la xiriiraa shirkii London ee dhacay 23-kii Febraayo kaasoo dawlada Ingiriisku ay martigelisay. Xubno Xogogaal ah oo ku dhow xafiisyada UNPOS, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa sheegaya in shirka Istanbul ka dhici doono, isla makraasna looga fadhiyo Kooxaha Soomaalida iney heshiyaan oo natiijooyin ka soo saaraan shirka oday dhaqmeedyadu guuleysto, ee hadda gaabiska ku socda, isla markaasna looga gudbo xulista ergada dastuuriga iyo baarlamaan cusub markaasi in shirka Istanbul uu taageeri doono mirahaasi, laakiin haddii aysan intaasisoo bixin in shirka Istanbul uu isbedeli doono wajigiisa. Taladii Ingiriiska Xafiisyada beesha caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya ee ku yaalla Nairobi ayaa wararkoodu ay sheegaya in laga yaabo haddii Soomaalida isfahmi weyso shirka Istanbul looga dhawaaqi doono in mudo afar ilaa shan sano ah dalka la gelin doono maamul dusha sare ka heysato beesha caalamka oo u gogol xaaraka gudbida marxalada KMG ah. Ifafaalaha muuqda ayaa ah, in Kooxaha Shariifyada ay isku koobeen Masiirkii Shacbiga Soomaaliyeed, iyagoo gacan ka helaaya Wasiirka 1aad ee Dowlada KMG ah, waxeyna daaqada ka saareen 3-dii xubnood ee la awooda ahaa, kuwaasoo uu ugu dambeeyay Maamulka Puntland, oo qeylo dhaan ka keenay qaabka loo takooray, wuxuuna ka codsaday Xukuumada Ethiopia iney soo faro geliso xaaladaha cakirin kulan deg degna u qabto Saxiixayaasha Tubta toosan. Shirkan ayaa la sheegay inaan la hubin inuu dhaco maxaa yeelay kooxaha Soomaalida ayaan isku ujeedo aheyn, isla markaasna is-aaminkii dhexdooda ahaa uu dhamaaday, iyadoo sidoo kale xitaa aysan ku kalsooneyn Xafiisyada UNPOS iyo kan IGAD. Iyadoo sidoo kale walaac iyo is-aamin darro laga muujinayaa waqtiga kooban ee ku eg ilaa Agoosto 2012, oo la filayey in ka hor la dhameeyo dhammaan qorshe hawleedkii lagu soo qoray waraaqaha roadmap-ka kuwaasoo u eg in sidii loo dhigay aysan u fulin, tusaale ahaan xulista ergada dastuuriga ayaa ahayd in lagu dhameeyo 15-ka May oo hadda saddex maalmood la soo dhaafay. Waxayna xubnaha beesha caalamka u arkaan in dhaqaalihii loo qoondeeyey fulinta tallaabooyinkan uu si micna darro ah ku baxayo iyadoon wax hawl ah la qabanin. Jiritaanka DKMG Dhankale Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa markale toddobaadkan ku celiyey inaysan marnaba ogolaan doonin in xitaa hal maalin ay ku darsadaan madaxda DKMG ah ee hadda xilka haya, ayna waajib tahay in 20 Agoosto 2012 ay meesha baneeyaan taasoo muujineysa sida beesha caalamka uga daalan tahay inay sii wado taageerada DKMG ah isbedel la’aan
garable.com
muxudin diini fiidow
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment