Biyo la aan baahsan ayaa ka jirta Magaalada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo kaddib markii la sheegay in Ciidamo ka tirsan Al Shabab Ceel ku shaqeynayay Matooro ay gubeen sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka ah. Ciidamada Al Shabaab ayaa shalay magaaladasi dagaal kula galay Ciidamada dowladda, waxanaa usuuro gashay inay gudaha u galeen, iyagoo intaasi kaddibna burburiyay Ceel-biyood ku yaalla halkaasi, waxaana taasi ay keenay in dadka ku nool gudaha Magaalada Garbahaareey ay lasoo darasto xaalado biyo la’aan oo aad u baahsan. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Feel dheer u galaya Ceel ku yaalla halkaasi oo ah ah waliba mid gacanta lagu soo arooro, waxana dad badan ay sheegeen in dhibaatooyin ay wajahday, iyadoo wali ay xiisado ka taagan yihiin Magaaladaasi xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG Soomaaiya iyo kuwa AL Shabaab. Lama oga sida uu xaalka ku noqon doono shacabka ku nool degmada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo, waxaana lasoo sheegayaa in uu cirka isku shareeray qiimaha lagu iibiyo Biyaha oo lagama maarmaan u ah nolosha aadmiga.
garable.com
garable.com
No comments:
Post a Comment