Sida ay sheegayaan wararka ka imaanayo xerada Dhagaxleey ee Gobalka NFD qarax ayaa halkaasi ka dhacay kaasi oo lala eegtay gaari ciidamada Booliiska Kenya ay wateen oo ku sugnaa xerada dhexdeeda. Xoghayaha amniga magaalada Gaarisa ee gobalka NFD Xasan Cismaan Shuuriye ayaa idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho waxa uu u sheegay in ciidamada Kenya lala eegtay qaraxa xilli ay ku sugnaayeen xerada dhexdeeda waxaana uu sheegay in hal askari oo Kenyan ah uu qaraxa ku dhintay iyadoo saddex kalena ay ku dhaawacmeen. Qaraxa kaddib ayaa la sheegay in ciidamada Kenya ay gacanta ku dhigeen dad Soomaali ah oo ku sugnaa xerada Dhagaxleey kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyaan qaraxa. Xoghayaha amniga ee Magaalada Gaarisa Gobalka NFD ayaa waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay in dadka Soomaalida ah ee ku nool xerada Dhagaxleey ay soo food saartay walaac xoogan oo ku aadan qaraxaasi dhacay in ay dhibaato kasoo gaarto inkastoo durba qaraxa markii uu dhacay kadib la xirxiray dad Soomaali ah. Qaraxa lala eegtay ciidamada Kenya ayaa waxa uu ahaa mid lagu aasay dhulka kaasi oo ka dhax dhacay gudaha xerada Dhagaxleey. Gobalka NFD ayaa muddooyinkii dambe waxa ku soo badanayay qaraxyada lagu weeraro ciidamada Kenya iyadoo dadka Soomaalida ee ku nool gobalka NFD ay cabsi soo food saartay markii uu dhaco qaraxyada caynkaasi oo kale ah. Soomaalida ku nool gobalka NFD ayaa la kulma xarig iyo jirdilo kala duwan oo ay u geestaan ciidamada Kenyanka ah mar marka qaraxyadan oo kale lala eegto.
garable.com
garable.com
No comments:
Post a Comment