Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab ay kula qaraxday miino deegaan ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.
Sarkaal ka tirsan ururka Ahlusuna oo lagu magacaabo Cabdi Biyo-quuto in qaraxaas ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan ururka Alshabaab.
Biyo-quute ayaa intaa ku daray in qaraxan uu ahaa miino dhulka ay hore ugu aaseen Alshabaab balse iyagii ay la qaraxday isla markaana ay ku dhinteen labo sarkaal oo la socotay baabuur dul maray miinadaas.
Sarkaalkan ka tirsan ururka Ahlu Sunna ayaa sheegay in qaraxan laga maqlay deegaano badan oo ka tirsan degmada Ceelbuur isla markaana dadka ku dhintey ay ku jireen ilaalada saraakiishii saarnayd baabuurka qarxay.
Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa kamid ah tabaha ay adeegsadaan kooxaha isaga soo horjeeda siyaasada Soomaaliya waxaana bilihiila soo dhaafay ay ka jireen dagaalo u dhexeeya ururka Ahlu Sunnao oo garab ka helaya ciidamo Itoobiyaan ah iyo ururka Alshabaab deegaano ka tirsan gobolka Galguduud.
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Alshabaab oo xaqiijinaya qaraxan sababay geerida saraakiil ka tirsanayd ururkaas.
Guud ahaan ammaanka degmada Ceelbuur ayaa ah mid aan wanaagsanayn waxaana marar badan dhacda in ururka Alshabaab uu ku soo qaado weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah xilliyada habeenkii.
garable.com

No comments:
Post a Comment